Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.6 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2.92%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 42% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.
In ka badan $694.62M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $666.13M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Jerome Powell oo ahaa guddomiyihii hore ee Fed ayaa xilka ku wareejiyay Kevin Warsh oo loo magacaabay jagadaas.
Guriga Senate-ka ee Maraykanka ayaa gudbiyay xeerka “Clarity Act” oo ah mid kala caddayn doona sida loola dhaqmi doono Kiribto.
Trump ayaa sheegay in Shiinuhu iibsan Chip-ka H200 ee Nvidia inkasta oo ay u oggolaadeen iibsashadiisa maadama uu Shiinuhu rabo inuu dardargeliyo tiknoolajiyadda dalkiisa lagu farsameeyo.
Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa raadinaysa dariiq cusub oo kor u qaada dhoofinta shidaalka kadib marka xaaladda Marinka Hurmuz ay cakirantay.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-yada Ethereum ayaa toddobaadkan maalin walba oo kamid ah luminayay maalgashi iyaga oo guud ahaan waayay $255M.
🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub
B. DegenVerse (DVERSE)
DVERSE ayaa maanta lagu daray madasha MEXC, iyadoo ganacsiga la furay isla markaana mashruucu suuqa galay, taasoo soo jiidatay dareenka ganacsatada hore ee danaynaysa.
🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Saamiga shirkadda Gemini ayaa kor u kacay 25% kadib markii walaalaha Winklevoss ay $100M oo Bitcoin ah ay ku shubeen madashaas.
🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Shirkadaha dadweynaha ayaa iibsaday 369K oo $BTC 12-kii bilood ee u dambeeyay.
Saamiyada ku salaysan Kiribto ayaa hadda ka kor u kac fiican Bitcoin.
Maamulaha Binance, Richard Teng ayaa sheegay inay boorsaduhu (Wallets) noqonayaan akoon bangiyada cusub.
🤖 7. AI iyo Web 3.0
Shirkadda OpenAI ayaa adeeg lagula socon karo kharashaadka u soo kordhisay dadka reer Maraykan ee isticmaala adeeggeeda lacagta ah.
☢️ 8. Xogta dhaca crypto
Dawladda Myanmar ayaa soo bandhigtay xeer dil ku xukamaya dadka lagu helo dhaca online-ka ah.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


