Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.79 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.72%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 32% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $533.61 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $379.90 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $111,560, hoos u dhac ah 0.23% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 1.24% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,049.70.

BNB: Qiimaha Coin-kan ayaa jooga $1,181.20, sameeyayna hoos u dhac dhan 0.56% 24-kii saac ee u dambeeyay.

XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 1.54% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.45.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 3.30% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $196.64.

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Bangiga England ayaa sheegay inuu ka qaadi doono xaddidaadaha lagu hayo haynta stablecoins-ka maadaama hantida dhijitaalka ahi aysan halis ku ahayn dhaqaalaha, isagoo xusay in xannibaadahan ay yihiin kuwo ku-meel-gaadh ah.

Guddiga Fed qaar badan oo ka tirsan ayaa sheegay shalay ilaa maanta in heerka dulsaarka hoos loo dhigi karo bisha soo socota, taas oo keenaysa in dhiiranaanshaha ganacsadayaasha ay kordhayso.

🐋 3. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Paxos ayaa daabacday 1 Trillion oo $PYUSD ah, kadib 22 daqiiqo ayay gubtay(burned), sababtoo ah khalad dhacay ayuu ahaa daabacaaddu haddaba si uu sicir-barar u dhicin way gubeen.

BitMine waxay iibsatay 104,336 $ETH oo qiimahoodu yahay $417 milyan, kadib markii qiimihii Ethereum uu hoos uga dhacay 20% heerarkii ugu sarreeyay ee Agoosto.

🚀 4. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Bitwise ayaa sheegtay in Solana Staking ETP-geeda uu dhaafay $100M, halka Ethereum Staking ETP-geedu uu gaadhay in ka badan $300M.

Qoyska Trump ayaa hanti ka badan $1B ka faa’iday suuqa kiribto.

Kraken ayaa iibsatay Exchange yar oo ku fadhiya $100 milyan si ay u bilowdo madal ganacsi oo si buuxda looga xakameeyo gudaha Mareykanka.

US Bancorp oo ku fadhiya hanti dhan $74 bilyan ayaa sameeyay waax cusub oo u heellan hantida dhijitaalka ah iyo wareejinta lacagaha.

Coinbase ayaa soo saartay barnaamij cusub oo la yidhaahdo “The Blue Carpet,” kaas oo siinaya soo saarayaasha hantida dhijitaalka ah gelitaan toos ah oo ay kula xidhiidhaan kooxda Liis-gareynta u qaabilsan ee Coinbase, talobixin shaqsiyeed, iyo taageero dhamaystiran oo ku saabsan habka liis-gelinta iyo horumarinta token-kooda.

Shirkadda Thumzup, oo uu taageero Trump Jr., ayaa ku talo jirta ku darista Dogecoin hababka lacag bixintooda, iyadoo ujeeddadu tahay yaraynta caqabadaha lacag bixinta iyo guud ahaan sahlidda lacag-bixinta degdega ah ee caalamiga ah.

🤖 5. AI iyo Web 3.0

Apple ayaa soo bandhigtay MacBook Pro cusub oo 14-inch ah oo ku shaqeyneya M5 chip, taasoo calaamad u ah horumar weyn oo ku saabsan waxqabadka AI ee Apple Silicon. M5 chip wuxuu bixiya waxqabadka GPU-ga ugu sarreeya oo in ka badan afar jeer ka badan kii hore, taasoo u sahlaysa socodsiinta hawlaha AI si dhakhso badan oo hufan. Horumarkan waxaa la filayaa inuu xoojiyo hawlaha sida tababarka moodooyinka machine learning iyo falanqeynta xogta ee macOS Tahoe.

🔗 6. Tiknooloojiyadda Blockchain

Chipsy ayaa keentay Blockchain-ka madal ciyaareed cusub oo u eeg qaabka ciyaaraha Las Vegas. Mashruucan ayaa ujeedkiisu yahay inuu dardar geliyo shirkadaha ciyaaraha online-ka iyada oo la adeegsanayo lacagaha crypto iyo teknoolojiyada madaxa baannaan (decentralized technologies), taasoo ciyaartoyda siinaysa waayo-aragnimo ciyaareed oo ammaan badan oo xiiso leh.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment