Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 17-ka Abriil 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.56 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 1.34%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 57% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid damaca u janjeedha.

In ka badan $535.69M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $296.79M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Donald Trump ayaa sheegay in dagaalka Iiran uu dhamaan doono mar dhow iyadoo labada dhinac ay suuragal tahay inay kulmaan usbuucan si ay u gaadhaan heshiis, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Trump ayaa ugu baaqay dalalka Yurub inay shidaalka ka gataan Maraykanka.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay heleen hanti ama maalgashi cusub.

BTC: $26.05M
ETH: $18.02M
SOL: $15.50M
XRP: $11.87M

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Dawladda Maraykanka ayaa wareejisay Bitcoin u dhiganta $606K oo laga qabtay hacker-kii Ilya Lichtenstein (ee Bitfinex) una dirtay Coinbase Prime, sida ay sheegtay xogta Arkham.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Daraasad ay samaysay Citigroup ayay ku ogaatay in ku daritaanka maalgashiga Bitcoin oo lagu daro dahabka ay kordhisay faa’idada(returns) 10-kii sano ee la soo dhaafay iyadoo aynan kordhin khatartu.

Bangiga Singapore Gulf Bank ayaa soo bandhigay adeeg fududaynaya daabicitaanka stablecoins-ka oo sidoo kale suurtagelinaya isu-beddel ee USD iyo USDC ee ku shaqeeya Solana.

Mugga ganacsiga spot-ka ah ee Kiribto ayaa hoos u dhacay 39% rubuca koowaad ee 2026, isagoo ka yimid $4.5 tirilyan hoosna ugu dhacay $2.7 tirilyan, sida ay sheegayso xogta CoinGecko.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Madaxda maaliyadeed ayaa ka digay in moodelka Claude Mythos Preview ee Anthropic uu khatar weyn ku hayo difaacyada cyber-ka ah ee nidaamka bangiyada caalamka.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Drift Protocol ayaa laga dhacay $285M iyada oo tuugta dhaca gaysatay ay lacagta si degdeg ah ugu wareejiyeen Blockchain-yo badan si loo raadraacin.

Tani waxay ku tusinaysaa in nidaamka adag ee Blockchain-ku uu weli ku jiro horumar oo maalin walba wax laga saxayo.

☢️ 8. Xogta dhaca kiribto

Mashruuc ay maalgelisay Ethereum Foundation ayaa lagu ogaaday 100 shaqaale IT ah oo ka socda North Korea kuwaas oo ku dhex milmay shirkadaha Web3 iyagoo isticmaalaya aqoonsiyo been abuur ah.

Maamulaha Tether, Paolo Ardoino ayaa xaqiijiyay in shirkaddu ay xannibtay 3.29 milyan USDT oo la xidhiidha hackers-kii ka dambeeyay weerarka Rhea Finance.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article