Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 17-ka Maarso 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.53 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.05%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 42% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $445.24M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $288.07M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Trump oo raba inuu xoog ku furo Marinka Hurmuz oo ay Iiraan xidhay ayaa la kulmaya mushkilad ah ururinta xulafo la gasha dadaalka lagu furayo Marinka.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Dawladaha USA, Canada iyo UK ayaa sameeyay iskaashi si loo xakameeyo dhaca Kiribto.

Dalka Vietnam ayaa qorsheynaya inuu bilaabo suuqii is-weydaarsiysi ee ugu horreeyay ee si rasmi ah loo shatiyeeyay horaanta bishan, iyadoo dowladdu isku dayayso inay xakameyso ka ganacsiga Kiribto ee caalamiga ah, sida ay sheegtay wakaaladda Reuters.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay lumiyeen hanti ama maalgashi, marka laga reebo ETF-yada XRP.

BTC: $201.62M
ETH: $35.9M
SOL: $2.82M
XRP: – $5.98M

🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub

B. Ado Protocol ($ADO)

  • BitMart ayaa si rasmi ah u qorsheysa in Ado Protocol (ADO) la liis-areeyo maanta.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Metaplanet ayaa 4,986 $BTC u wareejisay boorso cusub kadib 3 bilood oo ay wax dhaqdhaqaaq ah samayn.

Macaamiisha BlackRock ayaa iibsaday Bitcoin u dhiganta $139.05M.

🚀6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shirkadda MasterCard ayaa lagu wadaa inay iibsato shirkadda BVNK oo ah mid ka shaqaysa kaabayaasha stablecoins-ka, iyada oo ku iibsanaysa $1.8B.

Micheal Saylor ayaa sheegay in shirkaddiisa Strategy ay samaysay 16,622 $BTC oo faa’ido ah, taas oo dhan $1.2B.

Shirkadda PayPal ayaa ballaadhisay adeeggeeda stablecoins-ka iyada oo gaadhay 68 dal oo cusub.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

Shirkadda NVIDIA ayaa ku shaacisay iskaashi ay la sameysay Uber si loo geeyo gaadiid robo-taxi ah oo diyaar u ah is-wadis isaga oo u kala gooshaya magaalooyin badan, iyada oo loo marayo shabakadda Uber.

Iskaashigan wuxuu muujinayaa sida tiknoolajiyada AI iyo gawaadhida is-wada (autonomous vehicles) ay si degdeg ah ugu soo galayaan adeegyada gaadiidka caadiga ah, taas oo beddeli karta mustaqbalka safarka iyo shaqooyinka la xidhiidha.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article