Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 17-ka Maayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.61 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.6%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 42% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $63.42M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $33.57M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Deynta lagu leeyahay dawladda Maraykanka ayaa ku dhow $40 tirilyan.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Shirkadda Amazon ayaa lagu soo oogay dacwad iyadoo lagu eedeeyay inay sii waday kordhinta qiimaha ee ka dhalatay canshuurihii Donald Trump kadib markii lagu xukumay sharci-darro.

Iiraan ayaa sheegtay inay dhawaan soo bandhigi doonto nidaam cusub oo lagu maaraynayo Marinka Hurmus, kaas oo ay ku jiri doonto xakameynta waddooyinka iyo lacag laga qaado maraakiibta doonaysa marin ammaan ah.

🐋 3. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Jamaacadda Harvard ayaa iska iibisay dhammaan ETF-yadii Ethereum ee ay haysatay, iyada oo iibisay 2.3M oo saami saddexdii bilood ee sannadkan u horreysay.

Kaydka Bitcoin ee Morgan Stanley ayay soo gashay 467 $BTC oo ka timid Coinbase prime afartii maalin ee u dambeysay.

🚀 4. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shirkadaha dullaallada ah ee ugu waaweyn Japan ayaa isku diyaarinaya inay iibiyaan sanduuqyadooda maalgashi oo Kiribto.

Shirkadda BlackRock ayaa la sheegay inay ka fiirsaneyso maalgelin u dhexeysa $5B ilaa $10B oo ay ku sameyso IPO-ga soo socda ee SpaceX.

🤖 5. AI iyo Web 3.0

Warbixin cusub oo ka timid UK AI Security Institute ayaa sheegaysa in nidaamyada casriga ah ee AI ay ku sii fiicnaanayaan hawlaha cybersecurity-ga si ka dhakhso badan sidii cilmi-baadhayaashu saadaalinayeen.

Moodellada sida GPT-5.5 iyo Claude Mythos ayaa la sheegay inay ku qabanayaan shaqooyin amni oo aad u adag waqti gaaban.

Shirkadda Kraken ayaa shaqada ka joojisay 150 qof kadib markii booskooda uu AI buuxiyay.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article