Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.57 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.44%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 58% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid damaca u janjeedha.
In ka badan $736.15M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $510.45M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Iiraan ayaa dib u xidhay Marinka Hurmuz maadaama Maraykanku uu ka qaadi waayay cunaqabataynta uu saaray dikadaheeda, isaga oo Trump shalay uu sheegay inuu qaadayn cunaqabataynta ilaa heshiiska Iiraan uu 100% dhammaystirmo.
Dawladda Ruushka ayaa soo bandhigtay sharci dambi ka dhigaya adeegyada Kiribto ee an shati la’aanta ah.
Dawladda Hindiya ayaa shidaalka Iiraan ku iibsanaysa lacagta Yuan-ka ee Shiinaha.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay heleen hanti ama maalgashi cusub oo aad u badan marka la barbardhigo maalmihii hore.
BTC: $663.9M
ETH: $127.4M
SOL: $13M
XRP: $13.74M
🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub
B. OpenGradient (OGT)
Waxaa lagu soo liis-gareeyay MEXC, OpenGradient oo ah mashruuc AI infrastructure ah ayaa galaya marxaladda suuqa bartamaha Abriil, iyadoo ganacsiga iyo liquidity-gu ay sii ballaadhanayaan kadib liis-gareynta.
🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Shirkadda Tether ayaa daabacday $1B oo $USDT ah.
🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Shacabka Maraykanka ayaa hadda haysta Bitcoin ka badan inta dahab ah ee ay haystaan.
Peter Schiff ayaa sheegay in dahabku yahay hantida ugu fiican ee la iibsado inta ay jiraan xiisadaha Iiraan, isagoo ku doodaya in uu ugu dambeyn kor u kici doono, ha ahaato in dagaalku dhammaado ama uu sii xumaado e’.
🤖 7. AI iyo Web 3.0
Meta Platforms ayaa la sheegay inay qorsheyneyso inay bilowdo shaqo-joojin guud oo shirkadda ah 20-ka bisha May, iyadoo bartilmaameedsanaysa qiyaastii 10% shaqaalaheeda, isla markaana la filayo dhimista kale ee shaqaalaha inay dhacaan dabayaaqada 2026.
🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain
Circle ayaa soo saartay USDC Bridge, kaas oo u oggolaanaya wareejin toos ah oo ka dhexeysa Blockchain-yada oo USDC ah iyadoo si otomaatig ah loo maareynayo khidmadaha gas-ka.
Nidaamkani wuxuu adeegsadaa hab “burn-and-mint” ah, halkaas oo USDC lagu gubo Blockchain-ka laga dirayo Blockchain-ka lagu dirayana lagu daabaco in u dhigata intii lasoo diray, taasoo meesha ka saaraysa baahida loo qabo tokens-ka (wrapped tokens) iyo liquidity pools oo gacan saddexaad ah.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


