Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 18-ka Maayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.57 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 1.34%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 40% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $639.73M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $614.83M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

La-taliyaha Kiribto ee Aqalka Cad, Patrick Witt ayaa sheegay in ansixinta xeerka Clarity Act ay siin doonto suuqa Kiribto ku dhowaad 90% waxa uu u baahan yahay.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Dawladda Shiinaha ayaa hanti dhan $17B sannad walba ku iibsan doonta qalabka beeraha ee Maraykanka ilaa 2028-ka.

Dawladda Thailand ayaa qabatay goob si sharci-darro ah loogu qodayay (Mining) Bitcoin, iyada oo korontada la xaday lagu qiimeeyay $81,000.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ayaa lumiyay maalgashi halka ETF-yada Solana iyo XRP ay heleen maalgashi cusub maalinkii shalay ahaa.

BTC: -$1.00B
ETH: -$255.11M
SOL: $58.12M
XRP: $60.5M

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Goldman Sacks ayaa iska iibsay dhammaan ETF-yadii Solana iyo XRP ee ay iibsatay saddexdii bilood ee u horraysay sannadkan.

Shirkadda Strategy ayaa hadda iibsatay Bitcoin u dhiganta $2.01B, iyada oo hadda shirkaddu ay haysato 843,738 $BTC.

Dawladda El-salvador oo maalin kasta iibsata 1 $BTC ayaa hadda haysata 7,653 $BTC.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Tan iyo markii la ansixiyay xeerka Clarity Act, Bitcoin ayaa hoos u dhacay -$5,400, taasoo meesha ka saartay $110 bilyan oo qiime suuqeedkeeda ah.

Lacag dhan $1.4 bilyan ayay ku khasaareen ganacsatadii suuqa kor (BUY) u gashay muddadaa shanta maalin ah.

Xukuumadda Ireland ayaa dib u soo celisay boorso (Wallet) luntay oo ay ku jirtay 500 $BTC.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Maamulaha qaybta AI-ga ee shirkadda Microsoft ayaa sheegay in AI-gu uu qaban doono dhammaan hawlaha fudud ee ay dadku qabtaan 18 bilood kadib.

☢️ 7. Xogta dhaca Kiribto

Ilaa 8 dhacdo ayaa lagu xaday hanti Kiribto oo dhan $328.6M sannadkan aan ku jirno.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article