Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 19-ka Abriil 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.55 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.99%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 55% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid damaca u janjeedha.

In ka badan $257.53M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $195.38M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Dawladda Iiraan ayaa oggolaatay in Bitcoin lagu bixiyo lacagta ay ka qaadayso maraakiibta maraysa marinka Hurmuz, balse aqoonyahannada qaar ayaa sheegaya in lacagta badankeeda lagu bixiyo stablecoin ahaan.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Guddiga Fed ayaa sheegay in khasaare ka soo gaadhay hawlgallada ay sameeyaan ee sanadlaha ah sanadkii 3aad oo xidhiidh ah, iyadoo wadarta khasaaruhu hadda ka badan yahay $210 bilyan.

Dawladda Maraykanka ayaa xannibtay 518 cinwaan (Address) oo Bitcoin ah, kuwaas oo guud ahaan haysta 9,306 BTC oo qiimahoodu ku dhow yahay $707 milyan.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Ku dhawaad $1B oo maalgashi ah ayaa soo galay ETF-yada Bitcoin toddobaadkan, waana lacagtii ugu badneyd ee soo gasha hal toddobaad saddexdii bilood ee u dambeeyay.

🚀 4. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Qodashada (Mining) Bitcoin ayaa hadda sidii hore la fudud 1.1%.

Shirkadda Strategy ayaa u jirta 16,000 $BTC inay dhaafto kaydka Bitcoin ee ETF-ka shirkadda BlackRock ee IBIT.

🤖 5. AI iyo Web 3.0

Shirkadda Tesla ayaa adeeggeeda Robotaxi ku ballaadhisay gobollada Houston iyo Texas

🔗 6. Tiknooloojiyadda Blockchain

Blockchain-ka Solana ayaa helayay adeegsadayaal firfircoon oo $1.5M ah maalin walba oo ka mid ah saddexdii bilood ee u dambeeyay.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article