Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 19-ka Janaayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta 3.14 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2.39%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 45% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $875.47M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $788.89M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Guddiga aqalka cad ee Maraykanka ayaa u codeyn doona sharci ka mamnuucaya xubnaha koongareeska inay adeegsadaan xogta gudaha dawladda ah si ay uga Ganacsadaan suuqyada online-ka ah.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Dahabka iyo Qalinka (Silver) ayaa maanta gaadhay meeshii ugu sarreysay abid.

Dawladda Hindiya ayaa ku soo rogtay canshuur celin gaadhaysa 30% digirta iyo misirka (lentils) laga soo dejiyo Mareykanka.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay heleen maalgashi cusub.

BTC: $1.42B
ETH: $479.04M
XRP: $56.83M
SOL: $46.88M
LINK: $3.07M
LTC: $2.00M
HBAR: $1.46M

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Ganacsade weyn ayaa maanta iibsaday 42,552 ETH oo qiimahoodu yahay $136.16 milyan.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shirkadda Bitmine ayaa hadda haysata 3.372% oo ka mid ah tirada Ethereum-ka ee jira.

Kaydadka Ethereum ayay ku korodhay qiimahooda $2B, soddonkii beri ee u dambeysay.

Mashruuca lacagta dhijitaalka ah ee bangiga dhexe ee Shiinaha (CBDC) ee la yidhaahdo mBridge ayaa horey u fuliyay $55 bilyan oo ah lacag-diris caalami ah.

Shirkadda Ripple ayaa la kala heshiisay Jaamacadda UC Berkeley si ay cilmi-baadhisyada XRP lagu sameynayo loogu beddelo adeegyo dhab ah oo la xidhiidha XRP.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) ayaa cusbooneysiiyay saadaashiisa kobaca dhaqaalaha caalamka, isaga oo wax yar kor u qaaday qiyaasta, balse ka digay in faafitaanka degdegga ah ee AI, oo ay weheliyaan xiisadaha ganacsiga iyo khataraha juqraafiyeed, ay halis gelin karaan xasilloonida kobaca dhaqaalaha adduunka. Tani waxay muujinaysaa in saameynta dhaqaale ee AI hadda gaadhay heerarka guud ee dhaqaalaha iyo dejinta siyaasadaha caalamka.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Shabakadda Solana ayaa ku talo jirta inay hirgeliso lacag-diris aan khidmad gaas lahayn (gassless transaction) oo aad khidmadda ku bixinayso isla token-ka aad dirayso, halka aad ku bixin lahayd token-ka shabakadda.

☢️ 8. Xogta dhaca crypto

Lacag ka timid weerarkii $282M ee dhacay 10-kii Janaayo ayaa hadda lagu wareejiyay Tornado Cash, iyadoo $63M marka hore loo sii maray bridge, sida ay sheegtay majallada Certik.

Hay’adda Kastamka Kuuriyada Koonfureed ayaa shaacisay hawlgal lagu dhaqi jiray Kiribto lasoo dhacay oo gaadhaysa $101.7 milyan, taas oo loo adeegsaday boorsooyin dhijitaal ah (wallets) iyo akoonno bangi oo dalal kala duwan ku yaalla.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article