Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 19-ka Maayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.55 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.67%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 39% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $276.70M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $188.68M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Kevin Warsh ayaa loo dhaarin doona kursiga guddomiyenimo ee FED maalinka Jimacaha.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Lacagta Hindiya ayaa hoos ugu dhacday meeshii ugu hooseysay abid marka loo eego Dollarka.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ayaa lumiyay maalgashi halka ETF-yada Solana iyo XRP ay heleen maalgashi cusub maalinkii shalay ahaa.

BTC: -$648.64M
ETH: -$86.31M

SOL: $2.06M
XRP: $750.44K

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Bitmine ee Tom Lee leeyahay ayaa iibsatay Ethereum u dhiganta $153.66M.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Is-weydaarsiga Kiribtada taalla suuqyada is-weydaarsi ayaa gaadhay meeshii ugu hooseysay 25-kii bilood ee u dambeeyay.

Shirkadda Ethereum Foundation ayaa waxaa ka tagay laba Cilmi-baadhe, iyada oo sannadkan oo keli ah ay 8 shaqaale oo muhiim ahaa ay ka tageen.

10% dadka reer Maraykan ayaa Bitcoin iyo Kiribto adeegsaday ama maalgashaday.

Shirkadda Strategy ayaa haysata 4% tirada Bitcoin ee abid jiri doonta.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Bangiga Standard chartered ayaa ku talo jira in shaqaale ka badan 7000 uu ka maarmo 2030-ka, halka shaqadooda uu qaban doono AI.

Maamulaha Nvidia, Jensen Huang ayaa yidhi “adeegso AI-ga, haddii aad adeegsan waydo waxaa shaqada kaala wareegi cidda adaagsata!”

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Xisbiga ka taliya Japan ayaa go’aamiyay in la dhiso hannaan maaliyadeed qaran oo ku dhisan AI iyo Blockchain.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article