Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.13 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.05%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 16% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.
In ka badan $276.61M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $150.80M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Senator Tim Scott ayaa sheegay in Aqalka Sare uu bisha Diseembar uu dhaqaajin karo ansixinta sharciga qaab-dhismeedka suuqyada kiribto.
Mike Alfred ayaa sheegay in Mareykanku uusan bilaabi doonin inuu Bitcoin u iibsado si uu ugu daro kaydkiisa istaraatiijiga ah ilaa dalal kale ay hore u hormaraan oo ay sameeyaan tallaabadaas.
Warar ayaa sheegaya in Brazil ay ka fiirsanayso canshuur ku saabsan u isticmaalka Kiribto lacag bixinta caalamiga ah, iyadoo waddanku u guurayo inuu qaato heerka caalamiga ah ee CARF ee wadaagga xogta Kiribto.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
18-kii Nofeembar, qulqulka spot ETFs-ka ayaa diiwaangeliyay in $372.8 milyan ay BTC ka baxday halka $74.2 milyan ay ETH ka baxday.
Dhanka kale, SOL waxay heshay $26.2 milyan maalgashi cusub ah.
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
BitMine oo uu leeyahay Tom Lee ayaa maanta iibsatay 21,045 $ETH oo qiimahoodu gaadhayo $63.6 milyan.
Macaamiisha BlackRock ayaa iska iibiyay $165.52 oo $ETH ah.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Kraken waxay dhawaan heshay maalgelin dhan $800 milyan, waxaana hadda lagu qiimeeyaa $20 bilyan, iyadoo dardar gelinaysa qorshaheeda ballaadhinta caalamiga ah.
Jasiiradaha Marshall ayaa bilaabaysa barnaamijka dakhliga aasaasi ah (UBI) oo loo marayo boorso dhijitaal ah oo cusub oo la yidhaahdo Lomalo, taas oo ku shaqaynaysa stablecoin-ka USDM1 oo ku xidhan doollarka Mareykanka.
Ondo Global Markets ayaa heshay oggolaanshaha FMA si ay u bixiso saamiyada Mareykanka ee la token gareeyey iyo ETF-yo oo ay ugu adeegto 30 waddan oo Yurub ah.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
Google ayaa soo saartay Gemini 3, oo ah moodelkeeda AI ee jiilka xiga, kaasoo leh hab-fikir fiican si raadinta xogtu ay u noqoto mid degdeg leh.
Shirkadda Bitfury oo 14 sano ku jirtay qodidda Bitcoin, ayaa hadda u wareegaysa maalgashiga tignoolajiyada, waxayna bilaabaysaa sanduuq $1 bilyan ah oo lagu maalgelinayo shirkadaha AI-ga iyo kuwa bilowga ah ee Kiribto.
☢ 7. Xogta dhaca crypto
Qiyaastii 20% internet-ka ayaa shalay mid xidhan noqday, waxaana ka mid ahaa dhowr madal oo waaweyn oo Kiribto la isula wadaago iyo X (Twitter).


