Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.57 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.61%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 40% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.
In ka badan $153.76M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $87.95M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Guddida Senate-ka Maraykanka ayaa horumarisay qaraar laga yaabo inuu ku qasbo Donald Trump inuu helo oggolaanshaha Congress-ka si uu u sii wado dagaalka Iiraan.
Abbas Araghchi oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, ayaa ka digay in Iiraan ay la iman doonto arrimo kale oo ka yaabiya Maraykan haddii dagaal kale uu ku soo qaado.
Aqalka Cad ayaa qorsheynaya inuu soo saaro toddobaadkan amar fulineed (executive order) ku saabsan AI iyo cybersecurity-ga sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo dowladda ay doonayso adeegsiga moodeellada AI ee horumarsan, sida ay sheegtay wakaaladda Axios.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ayaa lumiyay maalgashi halka ETF-yada Solana iyo XRP ay heleen maalgashi cusub maalinkii shalay ahaa.
BTC: -$331.05M
ETH: -$62.3M
SOL: $3.78M
XRP: $1.48M
🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub
B. X WINNER (XWINNER)
XWINNER ayaa maanta lagu liis-gareeyay MEXC, iyadoo spot trading la furay isla markaana rabitaanka ganacsatada hore uu sii kordhayo kadib furitaanka.
🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Macaamiisha BlackRock ayaa iska iibiyay $325.57M oo Bitcoin ah.
🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Shirkadda Truth Social ee Donald Trump ayaa kala noqotay codsigeedii Bitcoin ETF ee ay u gudbisay Securities and Exchange Commission (SEC).
Shacabka Maraykanka ayaa iibsaday $31 tirilyan oo saamiyada suuqyada Maraykanka ah tan iyo 2023-kii, taas oo noqonaysa 40% saamiyada suuqyada Maraykanka, waana meeshi ugu sarreysay ee ay gaadheen 20-kii sano ee u dambeeyay.
🤖 7. AI iyo Web 3.0
Shirkadda Alibaba ee China ayaa soo bandhigtay chip-keeda cusub ee AI-ga ah, Zhenwu M890, oo loo dhisay tababaridda (training) iyo “inferencing” labadaba, iyadoo qorsheyneysa inay sii deyso cusbooneysiin sanadle ah oo la jaanqaadaysa xawaaraha NVIDIA.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


