Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 21-ka Janaayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta 2.99 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2.67%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 32% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $908.67M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $797.97M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Madaxweyne Trump ayaa saxiixay amar fulineed oo xaddidaya in hay’adaha maalgashiga ay iibsadaan guryaha qoysaska kaliya leeyihiin oo looga jeedo guryaha hal qoys deggan yihiin ee aan dabaqyada ahayn.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Guddoomiyaha CFTC, Michael Selig ayaa bilaabay hindisaha “Future-Proof” oo ah mid lagu waafajinayo suuqyada dhijitaalka ah sharciyada lagu nidaamiyo suuqyada hantida dhijitaalka ah, si aynan u noqon sharciyadu kuwo waqtigooda laga tagay, maadaama suuqyadu horumarayaan.

Scott Bessent ayaa yidhi “Siyaasadda dawladdan waa in Bitcoin lagu qabtay hawlaha sharci darrada ah lagu daro kaydka qaran ee hantida dhijitaalka ah.

Shiinaha ayaa bilaabay wajiga labaad ee tijaabooyinka tiknoolajiyadda 6G kadib markii uu dhammeeyay wajiga koowaad, kaas oo horseeday in la horumariyo in ka badan 300 tiknoolajiyadood oo muhiim ah oo la xidhiidha 6G.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay lumiyeen hanti ama maalgashi, marka laga reebo ETF-yada SOL.

BTC: -$483.38M
ETH: -$229.95M
XRP: -$53.32M
SOL: $3.08M

🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub

B. CLIPPY

  • Ninkii sameeyay Microsoft Clippy ayaa ku soo bandhigay token-ka $Clippy shabakadda Solana, isagoo gaadhay $1.6M mug ganacsi 24 saac gudahood.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Tether ayaa shalay ku daabacday 1B oo $USDT ah shabakadda TRON.

🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shirkadda Pumpfun ayaa bilawday mashruuca Pump Fund, oo ah laan maalgashi cusub, iyadoo lagu bilaabay tartan hackathon oo $3 milyan ah si loo maalgeliyo 12 mashruuc oo cusub oo ku jira deegaanka (ecosystem) ay maamusho.

Chainlink ayaa soo saartay xog joogto ah oo 24/5 ah oo ku saabsan saamiyada Mareykanka, taasoo bixineysa xog toos ah oo on-chain ah oo ku saabsan saamiyada iyo ETF-yada Mareykanka ee la xidhiidha suuqa saamiyada oo ay ku jirto hanti dhan $80 trillion.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

Nansen ayaa soo bandhigtay ganacsi isku-dhafan oo ku shaqeeya AI, iyadoo adeegsanaysa xog laga helay dhaqdhaqaaqa in ka badan 500 milyan oo boorsooyin (wallets), waxaana lagu bilaabayaa shabakadaha Solana iyo Base.

🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain

Dawladda Bhutan waxay qorshaynaysaa inay hawlgeliso validator ka tirsan shabakadda Sei Network rubuca koowaad ee 2026.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article