Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 21-ka Maarso 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.42 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.29%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 32% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $5122.13M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $83.15M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Aqalka Cad ayaa soo bandhigay hab lagu hagayo xeerarka lagu maamuli doono AI-ga.Guddoomiyaha CFTC, Mike Selig, ayaa sheegay in Kiribto uu horseedi doono “Qaab cusub oo maaliyadeed,” maadaama suuqyadu si sii xooggan ay ugu guurayaan on-chain.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Dawladda Ruushka ayaa soo bandhigtay inay joojin doonto xogaha sirdoon ee ay la wadaagayso Iiraan haddii Maraykanku joojiyo taageerada sirdoon ee uu siinayo Ukraine.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum waxa shalay ay lumiyeen maalgashi halka ETF-yada XRP ay heleen maalgashi cusub.

BTC: – $52.11M

ETH: – $41.97M

SOL: $0

XRP: $1.98M

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Macaamiisha BlackRock ayaa iska iibiyay $45.97M oo Bitcoin ah.

Shirkadda Circle ayaa daabacday 250M oo $USDC ah.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Maamulaha guud ee Robinhood, Vlad Tenev, ayaa ku boorriyay Congress-ka inay oggolaadaan in faa’iido (yield) laga helo stablecoin-yada, isaga oo sheegay in macaamiishu ay xaq u leeyihiin inay ka helaan dakhli kaydkooda stablecoin sida akoonnada kaydka (savings account).

Maamulaha guud ee Strategy, Phong Le, ayaa tilmaamay in xitaa 2% oo Bitcoin ah oo laga helo hantida dhan $8T ee ay Morgan Stanley maamusho inay ka dhigan tahay $160B oo maalgashi Strategy soo galaysa ah, taasoo ka dhigaysa mid saddex jeer ka weyn ETF-ka BlackRock ee $IBIT.

Ku dhawaad kala badh shacabka Maraykanka waxay ka baqayaan inuu dhaco hoos u dhac dhaqaale tobanka sano ee soo socda.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Maamulaha guud ee Cloudflare, Matthew Prince, ayaa ka digay in bot-yada AI ay ka badnaan karaan traffic-gainternet-ka ee dadka bini’aadamka ah marka la gaadho 2027.

Shirkadda X ayaa soo kordhisay adeeg otomaatig ah oo sheegaya in xogta la soo dhigay loo adeegsaday AI.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

haayadda SEC ayaa ansixisay soo jeedin ka timid Nasdaq si loo soo bandhigo noocyo saamiyo la Tokenize-gareeyay ah sida Nvidia iyo Tesla.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article