Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.67 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2.06%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 33% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.
In ka badan $339.57 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $253.92 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $108,633, hoos u dhac ah 1.94% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 3.80% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $3,880.69.
BNB: Qiimaha Coin-kan ayaa jooga $1,076.51, sameeyayna hoos u dhac dhan 3.12% 24-kii saac ee u dambeeyay.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 1.21% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.42.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 3.25% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $186.02.
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Gobolka British Columbia ee dalka Canada ayaa soo jeediyay sharci cusub oo lagu xaddidayo isticmaalka korontada ee xarumaha xogta AI-da isla markaana si joogto ah loogu mamnuucayo hawlgallada cusub ee qodidda Kiribto, sida aan ka soo xigannay wargayska Bloomberg.
Bangiga Dhexe ee Maraykanka (Federal Reserve) wuxuu daraasaynayaa nooc cusub oo “akoonno lacag-bixin” ah kaasoo siinaya shirkadaha fintech iyo Kiribto helitaan xadidan oo ku saabsan nidaamyada lacag-bixinta ee Fed, iyada oo aan la siin doonin rukhsadaha buuxa ee bangiyada oo kale la siiyo.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Ku dhawaad $40.4 milyan oo $BTC ah iyo $145.7 milyan oo $ETH ah ayaa la iibiyey Oktoobar 20-keedii.
Macaamiisha BlackRock ayaa iska iibiyay $117.9 milyan oo ah $ETH.
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Coinbase ayaa ku iibsan doonaysa shirkadda Echo $375M.
SharpLink ayaa iibsatay 19,271 $ETH, taasoo wadarta hantideeda $ETH gaadhsiisay 859,853 $ETH.
Ganacsade ayaa iibsaday 11,869 $ETH oo u dhiganta $45.6M.
Ganacsade gacan-saar la leh dawladda oo suuqa hoos ugu jiray ayaa ku daray $121M oo kale oo uu hoos ugu galay Bitcoin, isaga oo adeegsanaya leverage dhan 10×.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Coinbase ayaa ku boorisay dowladda Mareykanka inay qaadato farsamooyinka blockchain analytics iyo AI si ay ula dagaallanto qorshayaasha lacag-dhaqista ee sii badanaya.
21Shares ayaa u gudbisay dukumeentiga S-1 ee SEC si ay u bilowdo ETF lagu saleeyay $INJ.
Shirkadda Greenlane Holdings ayaa ku dhawaaqday maalgelin gaar ah oo $110 milyan ah si ay u bilowdo keyd istaraatiijiyadeed oo Berachain ah, taas oo ay hoggaaminayso shirkadda Polychain Capital.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
Shirkadaha tiknoolajiyada maaliyadeed ayaa ku faafinaya ATM-yada awoodda leh ee AI-ga guud ahaan Ruushka si ay u dhiirrigeliyaan muwaadiniinta inay dahabkooda ku beddelaan hanti dhijitaal ah. Mashiinadani waxay ujeeddadoodu tahay in lagu xalliyo shakiga iyo kalsooni-darrada iyadoo la sameynayo isdhexgal adeegsadayaasha loo habeeyey iyo adeegga AI-ga.
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
BNB Chain ayaa iskaashi la sameysay Better Payment Network si ay u dhisaan shabakad caalami ah oo xallinaysa dhibaatada lacag diritaanka oo ku saleysan stablecoins badan.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo