Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 22-ka Janaayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta 3.02 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 1.27%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 34% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $527.30M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $292.62M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Dawladda Thailand waxay qorshaynaysaa inay ballaadhiso helitaanka ETF-yada Kiribto, maadaama ay sii kordhayso la qabsiga ay sameynayaan hay’adaha maalgashiga.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Shirkadda falanqeeya blockchain-ka ee Elliptic ayaa sheegtay in Bangiga Dhexe ee Iiraan uu uruuriyay ugu yaraan $507 milyan oo ah USDT si uu uga gudbo cunaqabataynta una taageero lacagta rial-ka.

Dawladda Netherlands ayaa ku talo jirta inay canshuurto faa’idada aanan suuqa lagala bixin (unrealised profits) ee laga helo Bitcoin iyo Kiribto.

Ururka Midawga reer Yurub (EU) waaxdiisa dhaqaalaha ayaa dib-u-eegis ku samayn doonta maalinta Isniinta heshiiska ganacsi ee ay Maraykanka la galeen.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada $SOL iyo $XRP waxay heleen maalgashi cusub shalay, halka ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ay lumiyeen maalgashi.

BTC: – $708.71M
ETH: – $286.95M
SOL: $2.92M
XRP: $7.16M

🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub

B. Immunefi (IMU)

Liis-gareynta token-ka ayaa maanta si rasmi ah uga dhacaysa KuCoin, isaga oo wata magaca IMU/USDT.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda BlackRock ayaa Bitcoin iyo Ethereum u dhiganta $604M ku shubtay Coinbase.

🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Maamulaha guud ee Circle, Jeremy Allaire, ayaa sheegay in stablecoins ay yihiin nidaamka keliya ee awood u leh inuu u fududeeyo balaayiin wakiillo AI ah inay lacago waaweyn isku diri karaan.

CZ ayaa sheegay in xeerarka Kiribto ay ku kala duwanaan doonaan dalalku, isla markaana nidaam sharciyeed caalami ah uusan weli suurtagal ahayn, balse uu kala shaqeynayo dowladaha si loo qaabeeyo nidaamyo sharciyeed ku habboon suuqa.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

ChatGPT ayaa bilaabaysa hirgelinta saadaalinta da’da si loo aqoonsado akoonnada dhalinyarada, iyadoo taageerada Midowga Yurub la filayo toddobaadyada soo socda.

🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain

Ondo Finance ayaa ku daah-furtay in ka badan 200 hantiyaal la Tokenize-gareeyay ah oo ay ku jiraan saamiyo, ETFs, bonds, iyo badeecooyin (commodities) oo ku shaqeeya shabakadda Solana.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article