Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.65 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.78%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 29% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.
In ka badan $730.39million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $433.23million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $108,155, hoos u dhac ah 0.17% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 0.68% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $3,851.69.
BNB: Qiimaha Coin-kan ayaa jooga $1,075.51, sameeyayna hoos u dhac dhan 0.01% 24-kii saac ee u dambeeyay.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 0.78% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.40.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 0.39% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $185.52.
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
California ayaa saxeexday SB 822 si ay sharci u noqoto, taasoo ka dhigaysa dawlad-goboleedkii ugu horreeyay ee Mareykanka ee ilaaliya hantida Kiribto ee aan la sheegan in si khasab ah loo iibiyo (liquidation).
Hantida dhijitaalka ah hadda waa in loo wareejiyaa qaabkooda asalka ah (native form) halkii laga beddeli lahaa lacag caddaan ah, taas oo ah guul weyn oo u soo hoyatay dadka haysta crypto.
La-taliyihii hore ee Aqalka Cad ee ku takhasusay Kiribto, Bo Hines, ayaa yidhi:
“Waan ka xumahay dadka iibinaya Bitcoin-tooda.”
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Qiyaastii $477.2 milyan oo ah $BTC iyo $141.7 milyan oo ah $ETH ayaa la iibsaday Oktoobar 21-keedii.
ETF-ka Bitcoin ee BlackRock ayaa iibsaday 1,910 $BTC oo qiimahoodu yahay $210.9 milyan Oktoobar 21-keedii.
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Tether ayaa daabacday 1B oo $USDT ah.
Shirkadda ganacsiga Kiribto ee FalconX ayaa iibsanaysa 21Shares, oo ah mid ka mid ah maareeyayaasha ugu waaweyn ee ETF-yada Kiribto.
Jim Cramer wuxuu ka digay in suuqa crypto uu ku jiro xaalad la mid ah “burburkii suuqa ee 2000,” isagoo ku taliyay in maalgashadayaasha ay yareeyaan “trades”-kooda (trim positions) ka hor inta aysan dhicin suurtagal ah hoos u dhac weyn (correction).
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Shirkadda Bealls Inc., oo ku leh in ka badan 660 dukaanno guud ahaan Mareykanka, ayaa hadda aqbashaa lacag-bixinta Kiribto gudaha dukaamada iyada oo loo marayo Flexa.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
AI-yada Shiinaha DeepSeek iyo Qwen ayaa hadda ka sarreeyay ChatGPT iyo Grok dhanka tartan ahaa ganacsiga Kiribto, iyagoo muujiyay faa’ido ka wanaagsan marka la eego saadaalinta suuqa iyo go’aamada ganacsi ee xogta ku saleysan.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo