Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 23-ka Maarso 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.44 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 3.38%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 34% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $827.29M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $429.84M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Trump ayaa amray in Iiraan 5 maalin laga joojiyo duqaynta, isaga oo sheegay in wada-hadalladii u dambeeyay ay midho-dhal ahaayeen.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Dhanka kale Iiraan ayaa sheegtay in aynan jirin wada-hadallo toos ah oo dhex maray Maraykanka iyo Iiraan, balse uu Trump tallaabadan iskii u qaaday si uu hoos ugu dhigo qiimaha shidaalka uuna u helo waqti uu isu diyaariyo militari ahaan.

Paolo Ardoino ayaa sheegay in dawladda El Salvador ay ugu dambeyn arkeyso farxad ka dib 20 sano oo halgan ah.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxay heleen maalgashi cusub, marka laga reebo ETF-yada $ETH.

BTC: $95.18M

ETH: -$59.94M

SOL: $21.1M

XRP: $636.48K

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Strategy ayaa iibsatay Bitcoin u dhiganta $76.6M, taas oo ka dhigtay Bitcoin-ta ay haysato 762,099 $BTC.

Shirkadda kaydka Bitcoin ee Sweden, H100 Group, ayaa qorsheynaysa inay saddex laabto kaydkeeda Bitcoin iyadoo iibsanaysa 2,450 $BTC.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Peter Schiff ayaa isbarbardhigayaa hoos u dhaca dahabka ee maanta iyo kii 2008-dii, isagoo soo jeedinaya in ay jiri karto korodh gaadhi kara $11.4K saddex sano gudahood.

Bitmine ayaa hadda gaadhay 76% himiladeeda ah inay lahaato 5% tirada Ethereum.Dahabka iyo Silver-ka ayay ka baxday $13.5 Trillion 53-kii maalin ee u dambeysay.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Mark Zuckerberg ayaa sameeyay wakiil AI ah si uu uga caawiyo maamulka Meta Platforms, isagoo ujeedkiisu yahay in la yareeyo heerarka maamulka lana dedejiyo go’aan qaadashada.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article