Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.5 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 3.49%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 33% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.
In ka badan $936.14M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $868.09M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Kevin Warsh ayaa si rasmi ah loogu dhaariyay jagada guddoomiyenimo ee Fed.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Maraykanka lagu maalagashaday $18T 11-kii bilood ee u dambeeyay.
🪙 3. Coins-ka & Token-ada Cusub
B. Kaskad (KSKD)
25-ka bishan ayaa lagu soo liis-gareeyn doona MEXC, waana coin si xooggan uga dhex muuqda barnaamijyada lagula socdo coins-ka cusub.
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
ETF-ka BlackRock ayaa iska iibiyay Bitcoin u dhiganta $1B toddobaadkan, waana tiradii ugu badneyd 6-dii bilood ee u dambeysay.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Bangiyada Maraykanka ayaa ku jira khasaare dhan $306B.
Maalgashadayaasha caalamiga ah ayaa $29B ku maalgashaday suuqa saamiyada Shiinaha bishii Abriil, taas oo ka dhigtay qulqulkii maalagashi ee igu weynaa.
Dawladda Japan ayaa Ethereum u aqoonsna doonto hanti maaliyadeed sannadkan.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
Shirkadda Binance ayaa haysa 380 boos oo shaqaale u baahan, iyada oo aan tartanka AI-ga ka hadhin xilli dhammaan shirkadaha tiknoolajiyaddu ay yaraanayaan shaqaalaha si loo badiyo adeegsiga AI-ga.
Dawladda Taiwan ayaa lagu wadaa inay Maraykanka ku maalgashato $500B iyada oo ku baddelanaysa in hoos looga dhigo canshuuraha 15%.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


