Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta 3.02 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.38%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 35% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.
In ka badan $290.77M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $203.12M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Senator Lummis ayaa sheegtay in Maalin kasta oo aanan la ansixin Sharciga CLARITY, ay tahay maalin dalal kale ugu wareejinayaan hoggaanka tartanka dunida Kiribto.
Trump ayaa sheegay in uu ka filayo dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) maalgashi dhan $4T, maalmahan soo socda.
Shiinaha ayaa si kulul u cambaareeyay hanjabaadda Madaxweyne Trump ee ku saabsan canshuuraha uu ku soo rogi doono Yurub arrinta Greenland darteed.
Dawladda Taiwan ayaa sheegtay inay Maraykanka ku maalgashan doonto $500B, si uu uga fudaydiyo canshuuraha ganacsi ee uu saaray.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum waxa ay lumiyeen maalgashi cusub, maalinkii shalay ahaa.
BTC: – $103.5M
ETH: – $41.7M
ETF-yada Bitcoin ayaa toddobaadkan ay ka baxday maalgashi dhan $1.3B, taasi oo ka dhigan in ay ka baxday dhammaan maalgashigii ay heleen toddobaadkii ka sii horreeyay.
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Shirkadda Circle ayaa daabacday 500M oo $USDC ah.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Shirkadda Binance ayaa ku talo jirta inay dib ugu soo celiso madasheeda ka ganacsiga suuqa saamiyada, kadib markii ay joojisay 2021-kii.
Tom Lee ayaa yidhi “ in Bitcoin ay gaadho $200k ma aha wax weyn, keliya waa qiimaheeda oo labalaabma!”
Stablecoins-ka USD1 ee Trump uu ku lug leeyahay ayaa ka kor maray stablecoins-ka PayPal ee PYUSD.
Qiimaha guud ee kaydadka Maraykanka ee la Tokenize-gareeyay ayaa ka gudbay $10 bilyan.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
Bangiga JP Morgan ayaa sheegay in kaabayaasha AI uu saddex jibbaarmi karo 2030-ka, iyada oo uu qiimaha guud gaadhi doono $1.4T.
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
HIVE Blockchain Technologies ayaa saamiyadeedu kor u kaceen, taasoo ka dhalatay xiisaha sii kordhaya ee loo qabo Kiribto iyo kaabayaasha blockchain-ka, gaar ahaan qodidda Bitcoin (mining) iyo ballaadhinta xarumaha xogta (data centers) ee la xidhiidha shabakadaha hantida dhijitaalka ah.
☢️ 8. Xogta dhaca crypto
Xeer ilaaliyeyaasha Kuuriyada Koonfureed ayaa bilaabay baadhitaan kadib markii Bitcoin qiimihiisu yahay $48 milyan oo ay dawladdu qabatay ay luntay, taas oo la tuhunsan yahay inay sabab u tahay weerar phishing ah oo la ogaaday intii lagu jiray kormeer caadi ah oo lagu sameeyay hantida la qabtay.


