Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.45 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 2.15%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 36% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.
In ka badan $246.05M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $154.16M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Maxkamad ku taal Hindiya ayaa sii deysay aasaasayaasha CoinDCX, kadib markii ay ogaatay in khiyaanadu la xidhiidhay website been abuur ah, ee aysan ahayn madasha rasmiga ah.
Dawladda Hindiya ayaa ka iibsatay 60M oo foosto shidaal ah dalka Ruushka si ay u adeegsato bisha April.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay lumiyeen hanti ama maalgashi.
BTC: -$66.2M
ETH: -$40.7M
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Shirkadda Ark Invest ayaa iibsatay saamiyo u dhigma $16M oo ah shirkadda Circle, kadib hoos u dhac 20% ah oo ku yimid saamiyada Shirkadda Circle.
Guddiga Fed ayaa lagu wadaa inay $8.07% oo ay ku kabayaan dhaqaalaha dalka ay suuqa soo geliyaan maanta.
Dawladda Bhutan ayaa iska iibisay Bitcoin u dhiganta $30M.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Madaxa BlackRock ayaa sheegay in haddii qiimaha halkii foosto ee shidaal ah uu gaadho $150 ay dhici karto hoos u dhac dhaqaale oo caalami ah.
Ganacsadaha weyn ee Grant Cardone ayaa yidhi “Qiimaha Bitcoin waa inuu ahaadaa $280k“.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
Kleiner Perkins, oo ah shirkad weyn oo ganacsiyada maalgelisa, ayaa ururisay $3.5 bilyan si ay u maalgeliso shirkadaha AI ee bilowga ah iyo kuwa ku jira heerka kobaca.
Aasaasayaasha shirkadda Manus AI ayaa laga hor istaagay inay ka baxaan dalka Shiinaha iyada oo ay socdaan wadahadallo ku saabsan iibsasho $2 bilyan ah oo ay la yeesheen Meta Platforms.
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
Shirkadda Ethereum ayaa soo saartay barnaamij ay ugu magac dartay “Post Quantum Security” kaas oo hilin u jeexaya cilmi-baadhisyada lagaga hortagayo khatarta Quantum Computing.
Ogaysiis
Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/


