Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 25-ka Noofambar 2025

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 1.45%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 15% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.

In ka badan $387.59M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $262.33M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Stephen Miran oo ka tirsan Fed ayaa yidhi ” dhaqaalaha dalku waxa uu ku baaqayaa in si weyn hoos loogu dhigo heerka ribada“.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Hay’adda Adeegyada Maaliyadeed ee Japan (FSA) waxay ku qasbi doontaa is-weydaarsiyada Kiribto in ay yeeshaan kayd magdhow oo ay kaga jawaabaan jebinta amniga ama weerarrada lagu soo qaado, si loo hubiyo in isticmaalayaashu helaan magdhaw ku habboon haddii ay waxyeello dhacdo.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada BTC ayaa la kulmay $151.08M oo maalgashi la baxay ah 24-ka Noofambar.

Dhanka kale, ETH, SOL, iyo XRP ayaa helay maalgelin soo gashay oo gaadhaya $96.67M, $57.99M, iyo $164.04M siday u kala horreeyaan.

Bitwise ayaa shaacisay ETF-keeda Dogecoin isaga oo wata calaamad gaancsiyeedka $BWOW.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Capital B waxay xaqiijisay inay iibsanayso 5 BTC, iyadoo hadda haysata 2,823 BTC oo leh korodh sanadle ah oo gaadhaya 1,658.5%.

Wallet ay leedahay shirkadda Ethena Labs ayaa hadda ka iibsaday 25 milyan oo ENA suuqa Bybit.

Boorsaddan hadda waxaa ku jira 285.15 milyan oo ENA, oo qiimahoodu yahay $76.46 milyan.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Saamiyada shirkadaha Kaydiya lacagaha dhijitaalka ah ayaa ka hor maray soo kabashada suuqa Kiribto, iyadoo BitMine ay kor u kacday 20%, SharpLink 6%, halka Strategy ay kordhay 5%, iyadoo lahaanshaha maalgashadayaasha waaweyn uu si xoog leh u wado kobaca.

Shirkadda Revolut ayaa gaadhay qiimeyn dhan $75 bilyan kaddib iibsiga ay saamiyadeeda iibsadeen shirkado ay hoggaaminayaan Coatue, Greenoaks, Fidelity, iyo Dragoneer, taasoo ka dhigaysa mid ka mid ah shirkadaha fintech-ga ee ugu qiimaha badan adduunka.

Circle iyo Tether waxay daabaceen $16 bilyan oo USDC iyo USDT ah tan iyo hoos u dhicii dhacay Oktoobar 10, waxaana ku jira $500 milyan oo USDC ah oo la daabacay xalay.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Shirkadda Amazon ayaa ku maalgashanaysa dawladda Maraykanka $50B si ay ugu horumariyaan AI-ga isla markaan ay u helaan Kombiyuutarro casri ah.

Maamulaha kaabayaasha AI-ga ee Google ayaa sheegay in shirkaddu ay tahay inay labo-laabto awooddeeda AI-ga 6-dii biloodba mar si ay ula jaanqaaddo baahida sii kordheysa.

NVDIA waxay wajihi doontaa khasaare dhan $180 bilyan haddii Meta ay qaadato chips-ka Google.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article