Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.99 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 1.32%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 27% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi ka jirto.
In ka badan $192.52M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $105.41M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Shirkadaha Kiribto ee dalka Lithuania waa inay ahaadaan kuwo shati na haysta MiCa si ay u sii adeegaan 2026-ka.
Caroline Ellison oo ka mid ahayd dadkii ku lug lahaa dhacii FTX ayaa lagu talo jiraa in la sii daayo 21-ka Janaayo.
Madaxweyne Putin ayaa sheegay inuu rabo ka faa’idaysiga awoodda Nuclear-ka ee Yurub si uu ugu adeegsado qoditaanka Kiribto.
🪙 3. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno
B. zkPass (ZKP)
- Maanta ayaa lagu soo liis-gareynayaa Upbit — ganacsigu hadda wuu socdaa oo lagu kala iibsanayaa BTC/USDT/KRW.
- Waa token Web3 ah oo diiradda saaraya dahsoonaanta (privacy) kuna shaqeeya zero-knowledge proofs.
T. Tradoor (TRADOOR)
- Maanta ayaa lagu daray All InX Exchange oo leh TRADOOR/USDT.
- Waxa uu ku qoran yahay jadwalada liis-garaynta sida token si rasmi ah hadda u bilaabmay.
J. Tevi (TEVI)
- Waxaa lagu daray CoinMarketCap qiyaastii 9 saacadood ka hor — taasoo ka dhigan in token-ku si rasmi ah u bilaabmay isla markaana hadda laga ganacsan karo.
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Circle ayaa daabacday maanta 500M oo $USDC, sannadkan waxay Circle ku daabacday shabakadda Solana 55B oo $USDC.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Shirkadda Lighter ayaa soo idlaysay kormeerista iyo dib-u-eegista code-keeda oo ah mid ansixiya macaamilo kasta oo on-chain ah.
Qiime suuqeedka stablecoins-ka ayaa gaadhay meeshii ugu sarreysay oo ah $310B, iyada oo sannadkan kaliya uu kor u kacay 70%.
Qalinka (Silver) ayaa gaadhay qiimihii ugu sarreysay abid oo ah $75.
Shirkadda Bitmine waxay ku jirtaa khasare dhan $3.5B oo aynan suuqa kala bixin, kaas oo kasoo gaadhay maalgashigeeda badan ee $ETH oo hoos u dhacay.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
Shaqsiyaadka ka soo qalinjabiyay Stanford Computer Science ayaa dhib ku qaba shaqo la’aan la soo daristay kadib markii ay shirkaduhu joojiyeen inay qaataan shaqaale cusub oo Coding-ka ka shaqeeya maadaama AI loo gudbay.
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
Blockchain-ka BNB ayaa sannadkan ugu sarreeyay marka la eego adeegsadayaasha maalinlaha ah ee firfircoon, isaga oo helay celcelis ahaan 4.32M oo adeegsadayaal maalinle ah.
☢️ 8. Xogta dhaca crypto
Lacag gaadhaysa $7M ayaa laga dhacay Wallet-ka Trust Wallet, waxay shirkaddu ku talo jirtaa inay dhammaan khasaaraha daboosho, waa sida uu sheegay CZ.


