Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 26-ka Maayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.57 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 0.37%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 40% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $218.85M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $122.15M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Trump ayaa sheegay in uranium-ka Iiraan ee la bacramiyay la burburin doono ama lagu wareejin doono Maraykanka ama in lagu burburin doono gudaha Iiraan iyadoo ay kormeerayaan masuuliyiin rasmi ah.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

🐋 3. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadaha dadweynaha ayaa iibsaday 612 $BTC toddobaadkii aan soo dhaafnay halka Strategy ay waxba iibsan.

🚀 4. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shirkadda Robinhood ayaa heshay oggolaanshihii ugu dambeeyay ee sharciyeed ee la ahaa iibsigeeda $180 milyan ay ku iibsanayso shirkadda WonderFi.

Nathan Allman, aasaasihii iyo maamulihii Ondo Finance, ayaa geeriyooday.

Suuqa saamiyada ee Taiwan ayaa ka kor maray kan Hindiya dhinaca qiime suuqeedka sababo la xidhiidha kor u kaca adeegsiga AI-ga.

🤖 5. AI iyo Web 3.0

Alipay ayaa soo bandhigtay AI Wallet iyo Token Pay.

Horaantii sanadkan, Alipay AI ayaa dhaaftay 100 milyan oo isticmaale.

La-taliyeyaasha AI-ga ayaa bangiyada Wall Street ka qaadaya ilaa $25,000 maalintii si ay uga caawiyaan ka dhigidda shaqada Bangiyada mid otomaatig ah, sida ay sheegtay Bloomberg.

Bangiyada waaweyn ee caalamka ayaa balaayiin ku maalgelinaya AI, laakiin wali waxay la tacaalayaan sidii ay u adeegsan lahaayeen.

☢️ 6. Xogta dhaca Kiribto

Tuug ayaa dhacay $400k oo Kiribto ah iyaga oo iska dhigaya shirkadda Uniswap.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article