Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.97 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.04.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 33% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.
In ka badan $269.61M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $174.71M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Dawladda Hong Kong waxay dhowaan ansixin doontaa ruqsadihii ugu horreeyay ee stablecoin, halka shirkad weyn oo Kiribto ah oo Kuuriyada Koonfureed ka tirsan ay daahfurtay stablecoin ku xidhan won-ka (KRW).
Iyadoo Yurub ay hirgelinayso sharciyada MiCA, halka Mareykanku dib u dhigayo xeerarka Kiribto, shirkaduhu waxay wajahayaan farqiyo sharciyeed.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa ay shalay heleen maalgashi cusub.
BTC: $6.84M
ETH: $116.99M
SOL: $2.46M
XRP: $7.76M
🪙4. Coins-ka & Token-ada Cusub
B. Sanity United ($SUT)
- Sanity United waxaa lagu wadaa in lagu soo liis-gareeyo BitMart.
- Taas macnaheedu waa in aad awoodi doonto inaad ku ganacsato BitMart marka suuqu furmo.
🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Bitmine oo uu leeyahay Tom Lee ayaa iibsaday 20,000 ETH oo qiimahoodu yahay $58.22 milyan, sidoo kale waxay staked-gareeyeen 184,960 ETH (oo qiimahoodu yahay $538 milyan).
Taas waxay wadarta guud ee ETH-ka la stake-gareeyay ka dhigtay 2.13 milyan ETH, oo qiimahoodu yahay ku dhowaad $6.22 bilyan.
🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Khidmadda ay qaadayso shabakadda Ethereum ayaa hadda joogta heerkeedii ugu hooseeyay tan iyo 2017-kii.
60% oo ka mid ah bangiyada waaweyn ee Maraykanka ayaa ku talo jira samaynta adeegyo la xidhiidha Bitcoin.
🤖 7. AI iyo Web 3.0
Microsoft ayaa daahfurtay chip-keedii ugu horreeyay ee AI ah ee gudaha lagu sameeyo, Maia 200, kaas oo laga bilaabay xarumaha xogta ee Iowa, isla markaana ay dhistay shirkadda TSMC.
🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain
Blockchain for Good Alliance (BGA) oo ah urur aan macaash doon ahayn oo uu aasaasay is-weydaarsiga Bybit, ayaa ku dhawaaqay iskaashi istiraatiiji ah oo uu la galay FLock.io.
Iskaashigan wuxuu ujeedkiisu yahay in la sahmiyo adeegsiga blockchain + AI ee saameynta bulshada iyo mashaariicda danta guud, iyadoo la ballaadhinayo diiradda BGA ee ka baxsan kaliya u-doodista blockchain-ka una gudbaysa isticmaalka tiknoolajiyad isku dhafan.


