Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 27-ka Noofambar 2025

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.11 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 3.94%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 18% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.

In ka badan $313.84M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $241.30M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Lacagta ay dawladda Maraykanku ribo ahaan u bixisay bishii Oktoobar ayaa gaadhay $104.4 billion.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Australia ayaa ku dhawaaqday in is-weydaarsiyada Kiribto iyo madalaha kaydinta (custody platforms) ay dhawaan u baahan doonaan inay helaan ruqsadaha maaliyadeed ee rasmiga ah iyadoo la siinayo muddo 18 bilood ah oo looga gudbo shuruudaha.

Tallaabadan sharci-dejineed waxay dib u qaabayn kartaa sida ganacsiyada Kiribto u shaqeeyaan gudaha Australia, gaar ahaan saameynta ay ku yeelanayso is-weydaarsiyada, boorsooyinka (wallets), iyo adeegyada kaydinta (custodial services).

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada spot-ka ee BTC, ETH iyo XRP ayaa diiwaangeliyey inay heleen maalgashi cusub maalintii shalay ahayd, halka SOL markii ugu horreysay tan iyo bilowgeedii ay lumisay maalgashi.

BTC: $21.12M
ETH: $60.82M
SOL: -$8.10M
XRP: $21.81M

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

BlackRock ayaa iibsatay Ethereum $50.4 milyan u dhiganta iyo Bitcoin $42.9 milyan ah.

SpaceX waxay u wareejisay 1,163 $BTC oo qiimahoodu yahay qiyaastii $102M labo cinwaan (Address) oo cusub.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Tether waxay haysataa 116 tan oo dahab ah, waxayna noqotay cidda haysata dahab ee madax-bannaan ee ugu weyn adduunka, sida uu sheegay wargayska Financial Times.

Visa waxay la midoowday AquaNow si ay u isticmaasho stablecoins, taas oo ujeedadeedu tahay in degdeg loogu dhammaystiro lacag-bixinnada isla markaana loo dedejiyo howlaha maaliyadeed.

Binance waxay bilowday BinancePrestige, adeeg gaar ah oo loogu talagalay macaamiisha VIP-ga ah, kaasoo bixiya ganacsi, maalgashi iyo taageero si gaar ah loo habeeyey.

Securitize waxay heshay oggolaanshaha EU si ay u shaqeyso nidaam ganacsi iyo heshiisiin tokenized ah oo ku saabsan Avalanche, iyadoo noqotay hawl-wadeenka ugu horeeya ee sharciyeysan ee ka shaqeeya hantida dhijitaalka ah ee US iyo EU.

Stablecoin-ka Ripple ee $RLUSD ayaa lagu aqoonsaday inuu yahay lacag rasmi ah oo wax lagu iibsan karo oo ay ansixisay FSRA ee Abu-Dhabi, taasoo u oggolaanaysa hay’adaha ruqsadda ku leh ADGM inay si rasmi ah u isticmaalaan.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Warbixin cusub ayaa sheegtay sida Google u dayanayso istaraatiijiyadaha Nvidia, iyadoo xoogga saaraysa kombuyuutarro awood sare leh iyo maalgelin ballaadhan oo kaabayaasha AI-ga ah si ay uga sii mid ahaato tartanka degdegga u kobcaya ee AI-ga.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Mashruuca blockchain-ka ee Miden ayaa ku dhawaaqay iskaashi cusub oo istiraatiiji ah oo ay la yeesheen Gateway.fm, isagoo ujeedkiisu yahay in la dhiso kaabayaal muhiim ah (sida provers, bridges, block‑explorer…iwm) si loo taageero kalsoonida ka ganacsiga suuqa Kiribto.

☢ 8. Xogta dhaca crypto

Upbit ayaa joojisay lacag dhigidda iyo lacag la bixidda suuqeeda is-weydaarsi, kadib markii $38.5M oo lacag ah si aan caadi ahayn looga saaray shabakadda Solana, iyadoo la xaqiijiyey in hantida loo wareejiyey jeeb aan la aqoon 27-kii Noofambar.

Upbit waxay sidoo kale xaqiijisay in ay dhammaan khasaaraha bixin doonto.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article