Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 28-ka Janaayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.04 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 2.38%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 37% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $310.26M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $245.21M ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Madaxweyne Trump ayaa yidhi ” dawladda Japan waxay 100% gaaska gawaadhida kala soo degi doontaa Maraykanka

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Gobolka South Dakota ayaa soo jeediyay sharci u oggolaanaya in gobolku uu maalgashado Bitcoin.

Qiimaha dollarka ayaa gaadhay meeshii ugu hooseysay muddo 4 sano ah.

Madaxweynaha dalka Ukraine ayaa yidhi waxaan Midawga Yurub ku biiri doonna 2027-ka.

Dawladda UK ayaa ka mamnuucday Coinbase inay samayso xayaysiis aan lagu sheegayn khatarta Kiribto.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada $SOL iyo $XRP waxay heleen maalgashi cusub shalay, halka ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ay lumiyeen maalgashi.

BTC: – $147.37M

ETH: – $63.53M

SOL: $1.87M

XRP: $9.16M.

Bitwise ayaa iska diiwaangelisay Uniswap ETF gudaha Delaware, taasoo muujinaysa in gudbinta rasmiga ah (filing) ay dhici karto dhawaan.

🪙4. Coins-ka & Token-ada Cusub

B.USAT

  • Suuqa Is-weydaarsi ee HTX ayaa maanta furaya ka ganacsiga stablecoin-ka USAT oo ay leedahay shirkadda Tether.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Steak ’n Shake waxay ku dartay $5 milyan oo kale maalgelinteeda Bitcoin, iyadoo dhammaan Bitcoin-taas lagu shubayo Kaydkeeda.

🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Sahankii ugu dambeeyay ee PayPal ay samaysay ayaa muujiyay in 39% ganacsatada Mareykanka ay hadda aqbalaan Kiribto marka wax la bixinayo (checkout), halka 84% ay aaminsan yihiin in lacag bixinta Kiribto ay caadi noqon doonto 5 sano gudahood.

Tether hadda waa shirkadda ugu weyn ee la yaqaan ee dahab kaydsata marka laga reebo bangiyada iyo dowladaha, iyadoo haysata in ka badan 140 tan oo dahab ah oo qiimahoodu ku dhow yahay $23 bilyan.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

Shirkadda SoftBank ayaa ku talo jirta maalgelin dheeraad ah oo gaadhaysa $30 bilyan oo ay ku maalgashanayso OpenAI, iyadoo shirkadda OpenAI ay doonayso inay hesho maalgelin dhan ilaa $100 bilyan guud ahaan, sida uu qoray wargayska WSJ.

🔗 8. Tiknooloojiyadda Blockchain

Shirkadda Mesh, oo ah shabakad ka shaqaysa bixinta lacagaha ku saleysan blockchain, ayaa ka heshay $75 milyan maalgelin Series C, taasoo wadarta guud ee ay soo uruurisay ka dhigtay in ka badan $200 milyan, isla markaana qiime ahaan gaadhsiisay shirkadda $1 bilyan.

☢️ 9. Xogta dhaca crypto

Shirkadda falanqeynta blockchain-ka ee Chainalysis ayaa sheegtay in ugu yaraan $82 bilyan oo Kiribto sharci darro ah la dhaqay (money laundering) sanadkii 2025, taasoo si weyn uga korodhay qiyaastii $10 bilyan shan sano ka hor.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article