Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.11 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.49%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 20% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.
In ka badan $166.69M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $88.62M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Switzerland waxay dib u dhigtay sheegidda macluumaadka canshuuraha Kiribto ilaa sanadka 2027ka, inkasta oo ay sharciga ku dartay Crypto-Asset Reporting Framework laga bilaabo 1-da Janaayo.
Hindiya waxay filaysaa inay heshiis la gaadho Maraykanka ka hor dhamaadka sanadka maadaama inta badan arrimaha la xalliyey.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-ka $XRP ee 21shares ayaa la filayaa in Isniinta la bilaabo.
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Dawladda Boqortooyada Bhutan waxay u wareejisay 160.35 ETH shirkadda QCP Capital.
Shirkadda BitMine ayaa iibsatey 14,618 ETH oo qiimahoodu yahay ku dhawaad $44.3 milyan.
Shirkadda Chainlink ayaa ku dartay 87,079.05 LINK kaydkeeda, waxaana guud ahaan kaydkeedu gaadhay 973,752.7 LINK.
ETN-ka ETH ee VanEck ayaa stake-gareeyay 12,600 ETH oo qiimahoodu yahay $37.9M.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Shirkad hanti Maareeysa tan ugu weyn Yurub, Amundi, ayaa soo saartay saamigii ugu horreeyay ee tokenized ah ee sanduuqa suuq-lacageedka Yuuro, waxaana lagu dhisay Ethereum.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
Warbixin suuq cusub ayaa muujinaysa in qalabka kantaroolka tayada ee ku shaqeeya AI ee cilmiga cudurrada (loo isticmaalo ogaanshaha cudurrada, baadhista…iwm.) uu si xawli ah u kordhayo, waxaana la filayaa in suuqa qalabka caafimaadka ee ku shaqeeya AI uu gaadho balaayiin doolar sanadka 2029. Tani waxay tilmaamaysaa korodhka la qabsiga AI-ga ee daaweynta iyo ogaanshaha cudurrada.
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
Kaliya 11 blockchain ayaa kasbaday in ka badan $100,000 oo khidmad ah toddobaadkii la soo dhaafay, waxaana kaliya lix ka mid ah dhaafeen $1 milyan, sida ay sheegtay xogta Nansen.
☢ 8. Xogta dhaca crypto
Maareeyaha guud ee Dunamu (Shirkadda maamusha Upbit), Oh Kyung-seok, ayaa si rasmi ah raalli-gelin uga bixiyay dhacii Upbit ee 44.5 bilyan KRW (lacagta kuuriyada koonfureed) lagu dhacay.
Wuxuu ku dhawaaqay in dhammaan isticmaaleyaasha waxyeelladu gaadhay si buuxda loogu magdhabayo.
Extension Chrome oo dhac loo adeegsado oo la yidhaahdo Crypto Copilot ayaa u oggolaanaya isticmaaleyaasha inay ka ganacsadaan Solana iyagoo adeegsanaya X, iyadoo si qarsoodi ah uga xadgudbeysa SOL kasta oo la isku beddelo ama ganacsi kasta wax ka dhex saaraya uu dhacayo.


