Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 29-ka Janaayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.97 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2.54%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 38% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $340.13M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $247.64M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Guddiga Fed ayaa heerka ribada aan waxba ka baddelin, suuquna si aan wanaagsanayn ayuu uga fal celiyay.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Wakaaladda caymiska ee Dubai Insurance ayaa daahfurtay boorso Kiribto oo u oggolaanaysa bixinta khidmadaha caymiska (premiums) iyo bixinta magdhowga iyadoo la adeegsanayo hantida dhijitaalka ah, iyada oo loo marayo Zodia Custody.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa ay shalay heleen maalgashi cusub, marka laga reebo ETF-yada Bitcoin.

BTC: – $19.64M
ETH: $28.1M
SOL: $6.69M
XRP: $6.95M

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Metaplanet ayaa qorshaynaysa inay ururiso $137M oo ay ku maalgaliso Bitcoin.

Strive waxay iibsatay 334 BTC, taasoo wadarta guud ee ay haysato ka dhigaysa 13,132 BTC (qiimahoodu yahay $1.17 bilyan), kana dhigtay shirkadda 10aad ee ugu weyn ee Bitcoin haysata, iyadoo ka kor martay CleanSpark.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Qiimaha guud ee hantida la Tokenize-gareeyay ee Maraykanka ayaa gaadhay $10B.

Qiime suuqeedka Stablecoin-ka $USD1 ayaa gaadhay $5B, taas oo ka dhigtay stablecoins-ka 5aad ee ugu weyn suuqa.

85% oo ka mid ag hantida la Tokenize-gareeyay waxaa lagu saleeyay shabakadda Ethereum.

Madaxa shirkadda Tether, Paolo Arduino ayaa sheegay in shirkaddu 10% – 15% oo hantideeda ah ay qorshaynayso inay ku maalgeliso dahabka.

Shirkadda YouTube ayaa tijaabin doonta in dadka wax ku soo gudbiya ay $XRP lacagta ku siiso qaybta 2aad ee sannadkan.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

OpenAI ayaa dhisaysa shabakad bulsho oo ku saleysan aqoonsi biometric ah, iyadoo adeegsanaysa tiknoolajiyad la mid ah baadhista isha (eyeball scanning) ee WorldCoin si loo xaqiijiyo in isticmaalayaashu yihiin dad dhab ah loogana hortago dhibaatooyinka bots-ka, sida uu sheegay wargayska Forbes.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Bangiga Dhexe ee Ingiriiska (BoE) ayaa sheegay inuu baadhayo ballaadhinta noocyada hantida la Tokenize-gareeyay uu u aqbali doono si loogu adeegsado dammaanad (collateral) hawlgallada maaliyadeed.

Arrintan waxay daba socotaa shaqo socota oo lagu doonayo in hantida maaliyadeed ee ku saleysan blockchain lagu dhex daro suuqyada maaliyadeed ee caadiga ah, waxayna timid kadib la-tashi dadweyne oo ku saabsanaa sida hantida la Tokenize-gareeyay si buuxda loogu dari kari lahaa qaab-dhismeedka bangiyada dhexe.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article