Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 29-ka Maayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.46 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.48%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 32% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $223.90M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $119.06M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Dawladda Japan ayaa xaqiijisay inay kharash-gareysay hanti dhan $73 bilyan si ay u difaacdo lacagteeda Japanese Yen, Basle ay taasi waxba ka tarin xaaaladda lacagta.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ayaa lumiyay maalgashi halka ETF-yada Solana iyo XRP ay heleen maalgashi cusub toddobaadkii aan soo dhaafnay.

BTC: -$228.88M
ETH: -$121.35M

SOL: $484.37K
XRP: $1.77M

🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub

B. Anvil (ANVL)

ANVL ayaa si rasmi ah loogu daray MEXC, iyadoo trading-ka ANVL/USDT uu shaqeynayo, sidoo kale ganacsatadu la socdaan dhaqdhaqaaqa cusub ee suuqa.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Maalgashade ka qeyb galay ICO-gii Ethereum oo $622 ku iibsaday 2,000 ETH, wuxuuna hadda u wareejiyay 1,600 ETH oo qiimahoodu yahay $3.18 milyan Kraken, isagoo wali haysta 400 ETH.

Taasi waxay ka dhigan tahay faa’iido gaadhaysa 6,373x marka loo eego maalgelintiisii hore.

ETF-ka BlackRock ayaa iska iibiyay Bitcoin u dhiganta $177.9M.

🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Maamulaha shirkadda Strategy, Phong Le ayaa yidhi ” iibsashada Bitcoin waan sii wadi doonnaa, waxaanan u maleeyaa hadda inay taagan tahay qiimo fiican.”

Haddii la isku daro labada shirkadood ee Tesla iyo SpaceX, Elon Musk waxa uu noqonayaa qofka 5aad ee haysta Bitcoin-ta ugu badan caalamka.

Ganacsatada waaweyn (Whales) ee haysata Bitcoin-ta ugu badan ayaa joojiyay iibsashada Bitcoin.

🤖 7. AI iyo Web 3.0

Aasaasaha Binance, CZ ayaa yidhi ” AI way jiri doontaa si xoogganna way u horumari doontaa, balse shirkadaha hadda ka shaqeeya way kici doonaan!”

Shirkadda Anthropic oo ah sameeyaha Claude, ayaa ururisay $65 bilyan iyadoo lagu qiimeeyay $965 bilyan, taasoo ka dhigtay startup-ka AI ee ugu qiimaha badnaa dunida kana kor martay OpenAI.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article