Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 29-ka Oktoobar 2025

Gelle Bashir

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.83 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 1.5%.

- Advertisement -

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 39% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $509.49 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $357.06 million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $113,550, hoos u dhac ah 1.30% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 2.85% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,020.19.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now

XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 0.88% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.65.

BNB: Qiimaha Coin-kan ayaa jooga $1,116.99, sameeyayna hoos u dhac dhan 2.40% 24-kii saac ee u dambeeyay.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 0.61% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $200.86.

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Xubnaha Xisbiga Dimuqraadiga ee “Senate“-ka Mareykanka ku jira ayaa qorsheynaya inay cambaareeyaan cafiska uu Madaxweyne Trump siiyay CZ.

Waxay sheegeen in madaxa ka tirsan shirkadaha Kiribto oo la cafiyo kadib markii uu qirtay dambigiisa ay gudbinayso fariin khaldan.

Xisbiga AfD ee Jarmalka ayaa soo jeediyay mooshin lagu aasaasayo kayd istiraatiiji ah oo Bitcoin ah.

Hay’adda xakamaysa maaliyadeed ee Australia ayaa soo saartay tilmaamo Kiribto oo muddo dheer la sugayay.

Waxay sheegtay in Bitcoin iyo qaar ka mid ah NFTs aysan ahayn alaabo maaliyadeed, halka stablecoins, “securities” la token-gareeyay, iyo adeegyada “staking” ay yihiin.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Labada ETF ee $BTC iyo $ETH ayaa helay maalgelin cusub 28-ka Oktoobar, iyadoo $202.4M lagu shubay Bitcoin iyo $246M lagu shubay Ethereum.

Shirkadaha BlackRock iyo Fidelity ayaa dhawaan iibsaday Ethereum qiimihiisu dhan yahay $174 milyan.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Bitmine ee uu leeyahay Tom Lee ayaa dhawaan iibsaday Ethereum ($ETH) qiimihiisu dhan yahay $113 milyan.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

BDACS oo ah shirkad bixisa adeegyada kaydinta Kiribto oo Kuuriyada Koonfureed madax-xafiiskeedu yahay ayaa la kaashanaya Circle si ay u soo saaraan stablecoin ku xidhan lacagta won-ka, KRW1.

Shirkadda World Liberty Financial ayaa ku dhawaaqday inay qaybin doonto 8.4 milyan oo tokennada $WLFI ah oo loogu talagalay dadka hore u maalgashaday USD1 iyada oo loo marinayo suuqyada is-weydaarsi.

Visa ayaa ku dhawaaqday inay aqbali doonto lacag-bixinta afar stablecoins ah oo ku jira afar blockchain, iyadoo la siinayo taageero loogu beddelayo fiat, sida uu sheegay madaxa shirkadda.

Hay’adda canshuuraha Norway ayaa sheegtay korodh 30% ah oo ku yimid warbixinnada Kiribto, iyadoo 73,000 qof ay soo sheegeen $4B hanti Kiribto ah sanadkii 2024, marka la barbardhigo 55,880 qof 2023-kii.

Grayscale ayaa soo saartay $GSOL, taasoo u oggolaanaysa maalgashadayaasha inay maalgashadaan Solana isla markaana helaan abaalmarinta “staking“.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Mem0, oo ah shirkad bilow ah oo diiradda saarta teknoolojiyadda “AI memory layer” (taasoo ka caawisa nidaamyada AI inay si hufan u xasuustaan wada hadalladii hore), ayaa heshay $24 milyan oo maalgelin ah si ay u dhisto qalab loogu talagalay horumarinta AI-ga jiilka xiga.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Cusbooneysiinta “Fusaka fork” ee Ethereum ayaa si rasmi ah uga hawlgashay Hoodi testnet, taasoo jidka u xaadhaysa in 3-da Diseembar la bilaabo mainnet-ka oo leh horumarin amni iyo ballaadhin awoodeed.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

https://gellebashir.com/courses/barashada-cryptocurrency-somali-cryptocurrency-coursecrypto-bilaw-ilaa-dhamaad-afsomali-cryptocurrency-course

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment