Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.81 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 5.36%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 28% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.
In ka badan $1.8B ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $1.67B ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Waaxda Caddaaladda ee dawladda Mareykanka (US DOJ) ayaa la wareegtay in ka badan $400 milyan oo Kiribto iyo hanti kale ah oo lala xidhiidhiyay Helix oo ah madal adkaysa dabagalka hantida oo ku shaqaysa darknet-ka.
Madaxa SEC, Paul Atkins ayaa sheegay inuu wado qorshaha kaydka hawlgabka ee 401(K) loogu oggolaanayo maalgashiga Kiribto.
Madaxweyne Trump ayaa ansixiyay in canshuur 500% ah lagu soo rogo Midawga Yurub (EU) maadaam ay iibsadeen gaaska Ruushka.
Midowga Yurub (EU) ayaa ku daray Ruushka liiska madow sababo la xidhiidha khataraha lacag-dhaqidda (money laundering).
Dawladda Dubai oo aan lahayn meel dahab laga qodo ayaa si rasmi ah u furtay suuqa ugu weyn caalamka ee dahabka lagu kala iibsado.
Bitcoin ayaa noqotay hantida 11aad ee caalamka iyada oo ka baxday 10-ka kaalmood ee u horreya.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay lumiyeen hanti ama maalgashi.
BTC: – $817.87M
ETH: – $155.61M
SOL: – $2.22M
XRP: – $92.92M
🪙 4. Coins-ka & Token-ada Cusub
B. USDe (USDe)
Madasha HTX oo horey la dhihi jiray Houbi ayaa maanta soo liis-gareeynaysa token-ka USDe.
T. Infinex (INX)
Token-ka asalka ah ee Infinex (INX) ayaa maanta leh Token Generation Event (TGE) ama bilowga suuqa, taasoo ka dhigan in uu hadda noqdo mid si rasmi ah looga ganacsan karo, waxa uuna hadda ku jiraa qayb ka mid ah geeddi-socodka furitaanka (launch).
🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Dawladda El-salvador ayaa iibsatay dahab u dhigma $50M.
Ganacsade ayaa ku khasaaray $11M hoos u dhicii ku yimid Silver-ka.
🚀 6. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Binance ayaa ku dhawaaqday inay u beddeli doonto kaydka stablecoin-ka ee sanduuqa SAFU, oo ku dhow $1 bilyan Bitcoin muddo 30 maalmood gudahood ah.
Waxay sidoo kale qorshaynayaan inay mar kale maalgashadaan ilaa $1 bilyan, haddii qiimaha Bitcoin uu hoos uga dhaco $80,000.
Justin Sun ayaa sheegay in shirkadda Tron ay ballaadhin doonto kaydkeeda Bitcoin.
Shirkadda Coinbase ayaa is-kaashi amni la gashay shirkadda ISAC.
🤖 7. AI iyo Web 3.0
Google DeepMind iyo Google Labs ayaa soo bandhigay Project Genie, oo ah nidaam AI tijaabo ah oo u oggolaanaya isticmaaleyaasha Google AI Ultra inay abuuraan, sahmiyaan, isla markaana la falgalaan deegaano uu AI sameeyay iyagoo adeegsanaya qoraal iyo sawirro (text & image prompts).
Mashruucan waxaa loogu talagalay inuu isku daro hal-abuurnimada iyo dhismaha adduunyo ay AI si toos ah u maamusho (real-time world building).


