Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 30-ka Maayo 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.48 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah0.86%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 34% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $272.98M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $146.82M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Wasiirka dagaalka ee Maraykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in wada-hadallada Iiraan iyo Maraykanku inuu si fiican u socdo oo dhawaan heshiis la filayo.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Dawladda Maraykanka ayaa ilaa hadda xayirtay $1B oo Kiribto ah oo ay Iiraan leedahay.

Madaxa haayadda SEC, Paul Atkins ayaa yidhi waxaan aad ugu kalsoonahay Congress-ku ay gudbin doonaan xeerka “Clarity“, isaga oo uu Trump saxiixi doono si uu u noqdo xeer dhaqan-gala.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ayaa lumiyay maalgashi halka ETF-yada Solana iyo XRP ay heleen maalgashi cusub maalinkii shalay.

BTC: -$125.3M
ETH: -$18.0M
SOL: +$1.3M
XRP: +$11.88M

ETF-yada XRP ayaa la kulmay kaliye hal bil oo maalgashi ka baxay guud ahaan inta ay jireen.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Bitdeer ayaa iska iibisa dhammaan Bitcoin-ta ay qoddo, iyada oo qodday (Mined) 206 BTC hal toddobaad gudaheed isla markiina way iibisay.

Shirkadda Strategy ayaa dib u iibsatay 411 BTC oo u dhiganta $30M.


🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Tirada maalgashadayaasha haysta saamiyada la tokenize-gareeyay ayaa gaadhay tiradii ugu sarreysay abid oo ah 200k.

🔗 6. Tiknooloojiyadda Blockchain

Depository Trust & Clearing Corporation (DTCC) ayaa qorsheynaysa inay ku xidho saamiyada tokenized-ka ah, ETF-yada, iyo US Treasuries-ka nidaamka ee Stellar Development Foundation.

Mashruucan wuxuu ujeedkiisu yahay inuu taageero kaabeyaasha waaweyn ee hantida tokenized-ka ah.

Waa qayb ka mid ah dadaal ballaadhan oo lagu wareejinayo hantida dhaqameed ee maaliyadeed shabakadaha blockchain si loo helo settlement ka wanaagsan iyo isku xidhnaan fudud oo u dhexeysa nidaamyo kala duwan.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article