Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 30-ka Oktoobar 2025

Gelle Bashir

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.66 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 4.26%.

- Advertisement -

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 34% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $1.02 billion ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $856.57million ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $108,326, hoos u dhac ah 4.54% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 5.31% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $3,813.05.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now

BNB: Qiimaha Coin-kan ayaa jooga $1,098.99, sameeyayna hoos u dhac dhan 1.76% 24-kii saac ee u dambeeyay.

XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 6.26% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.49

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 6.92% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $187.56.

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa kulan fool ka fool ah ku yeeshay magaalada Busan ee Koonfurta Kuuriya, si ay uga wadahadlaan canshuuraha ganacsi ee saameeyay suuqa lacagaha dhijitaalka ah bishan.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Labada ETF ee BTC iyo ETH ayaa la kulmay maalgashi ka baxay 29-ka Oktoobar, iyadoo $470.7M laga saaray Bitcoin iyo $81.4M laga saaray Ethereum.

Dhanka kale, spot ETF-ka ee $SOL ee ay leedahay Bitwise ayaa helay maalgashi cusub oo dhan $46.5M.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Mastercard ayaa ku jirta wadaxaajood horumarsan oo ay ku doonayso inay ku iibsato shirkadda kaabayaasha lacagaha dhijitaalka ah ee ZeroHash, heshiiskaasna waxaa lagu qiimeeyay inta u dhaxaysa $1.5 bilyan ilaa $2 bilyan.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shirkadda Ondo ayaa token-gareysay in ka badan 100 saamiyo iyo ETF-yo Mareykan ah oo ku jira BNB Chain, taas oo u oggolaanaysa 3.4 milyan oo isticmaaleyaal maalinle ah inay si toos ah ugu helaan hantida Wall Street iyada oo loo marayo isku xidhka PancakeSwap.

Shirkadda 21Shares ayaa u gudbisay SEC foomka S-1 si ay u bilowdo ETF cusub oo lagu magacaabo $HYPE, halka ETF-ka Solana Staking ee Bitwise uu diiwaangeliyay mug ganacsi oo “aad u weyn” maalintii labaad oo gaadhaya $72 milyan.

Bangiga dhexe ee Indonesia ayaa qorsheynaya inuu soo saaro stablecoin ay dammaanad u yihiin “bonds“-ka dalkaas, kaas oo lagu xidhiidhinayo lacagta dhijitaalka ah ee rupiah (CBDC).

Shirkadda Evernorth ayaa shaacisay qorshe ay $XRP ugu beddelayso hanti kayd shirkadeed oo qiimaheedu gaadhayo $1 bilyan.

Lacag dirista iyo cinwaannada firfircoon ee Ethereum L1 ayaa gaadhay heerarkoodii ugu sarreeyay abid, halka khidmadaha gas-ku ay weli ku dhow yihiin heerarkoodii ugu hooseeyay, sida uu sheegay Token Terminal.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

OpenAI ayaa isu diyaarinaysa suurtogalnimada IPO oo lagu qiimeynayo in ka badan $1 tirilyan, taasoo ka mid noqon doonta lacag siinta dadweyne ee ugu weyn taariikhda, sida ay ka warbixisay Reuters.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Shirkadda International Business Machines Corporation (IBM) ayaa soo bandhigtay madal cusub oo hanti-dijitaal ah oo lagu magacaabo “Haven”, taasoo loogu talagalay bangiyada iyo dawladaha si ay uga caawiso maareynta hantida dhijitaalka ah iyo kaabayaasha token-gareynta.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

https://gellebashir.com/courses/barashada-cryptocurrency-somali-cryptocurrency-coursecrypto-bilaw-ilaa-dhamaad-afsomali-cryptocurrency-course

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment