Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 31-ka Maarso 2026

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $2.33 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 0.23%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 29% taasoo ka dhigan in dareenka suuqu yahay mid cabsi u janjeedha.

In ka badan $280.91M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $162.99M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu soo gabogabayn doono dagaalka Iiraan isaga oo furin Marinka Hurmuz.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

Dhammaan ETF-yada suuqa Kiribto waxa shalay ay lumiyeen hanti ama maalgashi.

BTC: $69.44M
ETH: $4.96M
SOL: -$6.17M
XRP: -$2.31M

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Circle ayaa ku daabacday 750M oo $USDC ah shabakadda Solana.

Shirkadda Bitmine ee Tom Lee ayaa stake-gareysay 167,578 $ETH oo u dhiganta $340M, taas oo ka dhigaysa wadarta ay stake-gareeyeen Ethereum u dhigma $6.72B.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Blockchain-ka Hyperliquid ayaa u sarreeya dhinaca dakhliga khidmadaha isaga oo qaaday $734K.

Suuqa is-weydaarsi ee KuCoin ayaa $500k oo magdhow ah siin doona CFTC kadib markii lagu qabtay inay lahaayeen barnaamijyo Kiribto oo ka diwaangashaynayn dalka Maraykanka.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Shirkadda StarCloud ee ay taageerto Nvidia ayaa ururisay $170M iyadoo qorsheyneysa inay dhisto 88,000 dayax-gacmeed si ay xarumaha xogta AI ugu wareejiso meel ka baxsan dhulka.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Aasaasaha Binance, CZ ayaa sheegay in Blockchain iyo Kiribto ay la qabsan karaan Quantum-ka kadib marka ay helaan cusboonaysiinta (Upgrades) ka dambeysa soo if-baxa Quantum-ka, waxa uuna ku daray loomana baahna in la baqo.

Elon Musk ayaa dhinaciisa yidhi tiknoolajiyadda Quantum-ku waxay ku soo celin kartaa dhammaan akoonnadii lumay ee Kiribto hal maalin wax ka yar.

☢️ 8. Xogta dhaca Kiribto

Macmiil adeegsada madasha Kraken ayaa laga dhacay $18.2M kadib markii loo adeegsaday xeeladda social engineering.

Ogaysiis

Sida aad wada ogtihiin waa yimaadday buuggeennii Kiribto, Kacdoonka Qarniga 21aad, haddaba waxaad ka dalban kartaa website-keenna adiga oo raacaya lifaaqan https://gellecrypto.com/shop/crypto/kiribto-kacdoonka-qarniga-21-aad/

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article