Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 5-ta Diseembar 2025

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.11 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 1.89%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 25% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi ka jirto.

In ka badan $298.97M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $218.34M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Trump ayaa mar kale ku celiyay hadal uu ku sheegay in dawladda Maraykanku ay deynta isaga bixin doonto lacagta ay ka hesho canshuuraha ay dawladaha ku soo rogtay.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Kevin Hasset ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Fed ay hoos u dhigi doonaan heerka ribada bishan Diseembar.

Senatarro Mareykanka ah ayaa soo jeedinaya sharci mamnuucaya in muddo 30 bilood ah laga iibiyo chips-ka $NVDA dalka Shiinaha, sida uu sheegay wargayska Financial Times.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada SOL iyo XRP waxay heleen maalgashi cusub (net inflows) Diseembar 4-teedii, halka BTC iyo ETH uu maalgashi ka baxay (net outflows).

BTC: – $194.64M
ETH: – $41.57M
SOL: $4.59M
XRP: $12.84M

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Kaydka Chainlink Reserve wuxuu iibsaday 81,131.31 LINK, taas oo ka dhigtay guud ahaan hantidooda ilaa 1,054,884.02 LINK.

Ganacsade aan la ogeyn ayaa iibsaday 3,805 $BTC ah oo u dhiganta $350M.

BlackRock ayaa iibsatay $28.78M oo $ETH.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Shirkadda HashKey waxaa la filayaa inay bilawdo oggolaanshaha maalgashadayaasha ee IPO-geeda Hong Kong toddobaadka soo socda, sida uu sheegay wargayska Bloomberg.

Tirada maalgashadayaasha ka fiirsanaya inay iibsadaan Kiribto waxay hoos uga dhacday 33% sanadkii 2021 ilaa 26% sanadkii 2024, sida lagu sheegay daraasad ay sameysay FINRA.

Tom Lee wuxuu aaminsan yahay in qiimaha Kiribto uu gaadhay meeshii u hoosaysay (bottomed) isla markaana wareegga afarta sano (4-years cycle) ee Bitcoin uu jabin doono siddeeda usbuuc ee soo socda.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Maamulaha guud ee Cohere ayaa sheegay in Maraykanka iyo Kanada ay haystaan faa’iido istiraatijiyadeed marka loo eego Shiinaha tartanka caalamiga ah ee AI — isaga oo ku dooday in ganacsiga iyo iskaashiga caalamiga ah, ee aan kaliya dhisidda moodellada, ay go’aamin doonin hoggaaminta.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

N3XT waxay bilowday bangigii ugu horreeyay ee blockchain-ku shaqeeyo oo sharciyad ka haysta ruqsadda Wyoming, si loogu suurtogeliyo lacag-bixinta B2B-ga oo degdeg ah oo 24/7 shaqaynaya.

☢ 8. Xogta dhaca crypto

Cilladd ku timid Cloudflare ayaa si kooban u carqaladeeysay qaar ka mid ah barnaamijyada waaweyn ee Kiribto.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article