Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.39 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 2.37%.
Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 20% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.
In ka badan $1.70B ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $1.30B ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass
📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa
Aqalka Cad ayaa sheegay in cafiska CZ loo fidiyay uu yahay mid “si aad ah oo dhab ah,” isla markaana uu maray geedi-socod dib u eegis oo dhamaystiran ka hor inta uu Madaxweyne Trump saxiixin.
Kanada ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku doonayso inay xakameyso Stablecoins-ka iyadoo ku darsatay nidaamkan miisaaniyadda federaalka ee 2025, taas oo la mid ah sharciga GENIUS ee Maraykanka.
Cambodia ayaa diyaar u ah inay noqoto mid ka mid ah dalalka ugu horreeya ee kaydiya dahabka iyada oo la kaashanaysa Shiinaha.
💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)
ETF-yada Bitcoin iyo Ethereum ayaa diiwaangeliyey inuu ka baxay maalgashi ku dhow $800 milyan.
Isla waqtigaas, ETF-yada Solana ayaa soo jiitay maalgelin lix maalmood oo xidhiidh ah, taas oo muujinaysa xiisaha sii kordhaya ee maalgeliyeyaasha ee Solana.
ETF-yada Bitcoin ($BTC) iyo Ethereum ($ETH) ayaa mar kale diiwaangeliyey in maalgaalin lagala baxay bishii Noofambar 4-teedii, iyadoo lagala baxay $566.4 milyan Bitcoin iyo $219.4 milyan Ethereum.
Dhanka kale, ETF-yada Solana ($SOL) ayaa helay malgashi cusub oo dhan $14.9 milyan.
🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa
Ganacsade weyn ayaa ku jira khasaare ah $3.28M, isaga oo Buy u galay $BTC iyo $ETH.
Saamiyada shirkadda Sequans Communications ayaa hoos u dhacay 16% kadib markii ay iibisay 970 $BTC oo qiimahoodu ahaa $105.3 milyan.
🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa
Maxkamadda Sare ee Madras ee Hindiya ayaa si sharci ah u aqoonsatay $XRP inuu yahay hanti, taas oo siisay ilaalin sharciyeed oo buuxda hoos timaadda sharciga ciqaabta.
🤖 6. AI iyo Web 3.0
CleanSpark ayaa ballaadhinaysa awoodda AI-geeda iyadoo iibsatay dhul 271-acre ah oo ku yaalla Texas, halkaas oo ay ku dhisayso xaruun kombuyuutarro awood leh la dhigi doono oo leh 285 MW awood koronto ah.
🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain
Berachain ayaa xaqiijisay in ay soo celisay ku dhawaad $12.8 milyan kadib markii laga faa’iidaystay khalad ku jiray BEX / Balancer v2 pools. Kooxdu waxay u mahadcelisay hacker nabaddoon ah (white-hat) ka caawiyay soo celinta lacagaha, waxayna si tartiib tartiib ah u bilaabayaan dib-u-soo celinta hawlgallada caadiga ah.


