Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 7-da Noofambar 2025

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.35 tirilyan, waxa uuna sameeyay kor u kac ah 2.77%.

- Advertisement -

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 21% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi xooggan ka jirto.

In ka badan $682.91M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $465.63M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Midowga Yurub (EU) ayaa laga yaabaa inuu dib u dhigo qayb ka mid ah sharciga AI (AI Act) iyadoo cadaadis ka imanayo Mareykanka iyo shirkadaha waaweyn ee tiknoolajiyadda.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now

Hindiya ayaa ayaa XRP u aqoonsatay hanti si sharci ahaan ah oo kaliya aynan ahayn hanti dhijitaal ah.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada suuqa tooska ah ee Bitcoin iyo Ethereum ayaa diiwaangeliya maalgelin soo gashay (net inflows) bishii Noofambar 6-deedii, iyadoo Bitcoin heshay $239.9 milyan iyo Ethereum helay $12.5 milyan.

Dhanka kale, ETF-yada Solana ayaa sidoo kale helay $29.2 milyan oo maalgelin cusub ah.

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Tether ayaa iibsatey 961 Bitcoin ($BTC) oo qiimahoodu yahay ku dhawaad $98.9 milyan, si ay ugu kordhiso khasnadeeda Bitcoin.

Shirkadda Block Inc. ee uu leeyahay Jack Dorsey ayaa soo saartay warbixin dakhligeedii rubuca saddexaad (Q3) oo ka hooseeya filashooyinkii suuqa, taas oo sababtay in saamiyada shirkadda ay hoos u dhacaan qiyaastii 12% kadib warkaas.

Shirkadda Ark Invest ee Cathie Wood ay leedahay ayaa Noofambar 6-deedii iibsatey 240,507 saamiyo oo ka tirsan shirkadda khasnadda $ETH ee uu leeyahay Tom Lee, oo lagu magacaabo BMNR.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Maamullada Coinbase ayaa sheegay in shuruucda Kiribto ay yihiin “saliidda caydhiin ee dhaqaalaha onchain-ka”, iyagoo ku booriyay sharci-dejiyayaasha in ay ansixiyaan sharciga qaab-dhismeedka suuqa (market structure legislation).

Saamilayda Tesla ayaa ansixiyay qorshaha mushaharka taariikhiga ah ee $1 tirilyan oo Elon Musk la siinayo haddii meesha la rabo uu gaadhsiiyo shirkadda.

Kaydka dahabka ee Shiinaha ayaa kor u kacay bishii Oktoobar isagoo gaadhay $297.21 bilyan, halka uu bishii Sebtembar ahaa $283.29 bilyan.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Suuqyada maaliyadeed ee caalamka ayaa si weyn u hoos u dhacay iyada oo laga cabsi qabo in qaybta AI ay si xad-dhaaf ah loo qiimeeyay, halka shirkadaha waaweyn ee chip-yada iyo kaabayaasha AI ay hormuud ka noqdeen iibinta (sell-off) saamiyada.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment