Wararka Maanta ee suuqa Kiribto, 9-ka Diseembar 2025

Suleyman Tubeec

Ku soo dhawaada wararkii u dambeeyay ee suuqa Kiribto, waxyaabaha aan ka hadli doonno waxaa ka mid ah, Kiribto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI, Web 3.0, iyo si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo Kiribto kuwaas oo isugu jira waxyaabo muhiim ah oo ay ka mid yihiin isbaddelka suuqa, xeerarka cusub ee ay dawladuhu Kiribto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Kiribto waxyaabaha ku soo kordha Tiknoolajiyadda Blockchain.

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

Market Cap-ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $3.08 tirilyan, waxa uuna sameeyay hoos u dhac ah 1.36%.

Fear and Greed index oo ah halbeegga lagu cabbiro dareenka maalgashadeyaasha waxuu muujinayaa inuu yahay 25% taasoo ka dhigan inay dareenka suuqu yahay mid cabsi ka jirto.

In ka badan $174.83M ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $109.30M ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (Long positions).

xigasho : Coinglass

📜 2. Xeerarka iyo Siyaasadda Suuqa

Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu filayo in dawladda Shiinaha ay kordhin doonto ganacsiga ay kula jirto dawladdiisa.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Maamulaha haayadda kormeerta bangiyada ee Maraykanka, Jonathan Gould wuxuu sheegay in shirkadaha Kiribto loola dhaqmi doono sida bangiyada marka ay dalbanayaan ruqsadaha federaalka.

Dawladda Maraykanka ayaa lagu wadaa inay oggolaato u dhoofinta Chips-yada Garaadka macmalka ah ee H200 Shiinaha.

Dawladda Argentina ayaa ku talo jirta inay u oggolaato bangiyada caadiga ah inay bixiyaan adeegyada ka-ganacsiga Kiribto sannadka 2026-ka.

💰 3. ETFs iyo Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

ETF-yada ETH, SOL, iyo XRP waxay heleen maalgelin u soo korodhay Diseembar 8-deedii, halka ETF-yada BTC uu maalgashi ka baxay.

BTC: – $60.48M
ETH: $35.49M
SOL: $1.18M
XRP: $38.04M

🐋 4. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeya Suuqa

Shirkadda Bitmine Immersion waxay iibsatay 138,452 $ETH ($435 milyan) usbuucii la soo dhaafay. Hadda waxay haystaan guud ahaan 3,864,951 Ethereum, oo qiimahoodu yahay $12.4 bilyan.

🚀 5. Mashaariicda Horumarineed ee ku socda Suuqa

Adeegsadayaasha Binance ayaa kor u dhaafay 300M oo ruux.

Circle waxay ka heshay liisanka Financial Services Permission (FSP) ee FSRA si ay uga shaqeyso sidii shirkad bixisa adeegyada maaliyadeed gudaha Abu Dhabi Global Market (ADGM).

Wiilka ugu weyn ee boqorka Malaysia ayaa bilaabaya RMJDT, oo ah stablecoin ku xidhan lacagta ringgit-ka ee dalkaas, laguba taageerayo lacag caddaan ah iyo bonds-ka dawladda Malaysia, sida uu sheegay wargayska Bloomberg.

Kaydadka caalamiga ah ee Bitcoin ayaa haysta Bitcoin ka badan 4 milyan $BTC, maadaama hay’aduhu si xoog leh u kordhinayaan iibsiga, inkastoo falanqeeyayaashu sheegayaan in wali loola dhaqmo Bitcoin sidii hanti halis ah, halkii ay ka ahaan lahayd “dahab dhijitaal” ah.

🤖 6. AI iyo Web 3.0

Brookfield iyo shirkadda AI ee dalka qatar ee Qai waxay bilaabeen iskaashi dhan $20 bilyan si ay u dhisaan kaabayaasha AI ee Bariga Dhexe — Waxay qorsheynayaan inay maalgelin weyn ku sameeyaan xarumaha xogta iyo awoodda xisaabinta si Qatar looga dhigo xarun weyn oo AI, taasoo muujineysa korodhka maalgashiga gobolka ee kaabayaasha AI.

🔗 7. Tiknooloojiyadda Blockchain

Crypto Blockchain Industries (CBI) waxay iibsadeen qalab lagu qodo Bitcoin oo dheeri ah — CBI waxay ku dhawaaqday inay soo iibsatay mashiinnada mining-ka ee Bitmain ee jiilka ugu dambeeyay ah, taas oo ka mid ah istaraatiijiyaddooda lagu ballaadhinayo awoodda qodidda iyo hawlgallada kaabayaasha Kiribto.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article