Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
- π xaalada guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.01 Trillion, waxuuna kor u kacay 1.32%
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey Neutral (51) aysan jiran cabsi xoogan iyo damac sare waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.
Bitcoin ayaa kor u kacday 14.7% bishan. Tani waxay ku dhowdahay laba jibbaarka celceliska kor u kacii ugu weynaa taariikhda oo ahaa 7.57%, taasoo ka dhigeysa bishan April kor u kacii ugu xoogganaa tan iyo 2020-kii.
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaaray $96,000, kor u kac dhan 1.40% ayay sameysay maanta, kor u kac fiican maadaama ay samaysay waxaa la rajaynayaa inay sidaa ku socoto.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 2.09% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $1,848.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 0.02%. Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.23.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta kor u kacay 3.08% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $152.19.
- π Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa
Golaha Wakiilada ee North Carolina ayaa ansixiyay HB 92, oo u oggolaanaya hanti dhowrka Gobolka inuu ku maalgeliyo ilaa 5% dhaqaalaha gobolka crypto.
Ururka Maraykanka ee Crypto-ga, qaybtiisa Proof of Stake Alliance (POSA), ayaa iska kaashaday samaynta 30 urur oo hormuud u ah warshadda crypto-ga oo ay ka mid yihiin Kraken, a16z, iyo Paradigm si ay ugu baaqaan SEC inay bixiso hagitaan cad oo ku saabsan xeerarka la xidhiidha staking-ka.
- π Dhaq-dhaqaaqa Maalgashiyaasha Whale Investment)
Circle ayaa ku daabacday $250 milyan oo kale oo USDC ah shabakadda Solana.
Visa iyo Bridge ayaa bilaabay kaarar lagu isticmaali karo stablecoin-yada, guud ahaan Latin America.
Dadka ku sugan Argentina, Colombia, Ecuador, Mexico, Peru, iyo Chile ayaa hadda awood u leh inay ku bixiyaan lacagta adeegga stablecoin iyagoo adeegsanaya Visa, taasoo isku xidhaysa lacagaha crypto iyo hawlaha maalinlaha ah.
- π Mashruucyada Horumarinta ku socdo ee Crypto
Micheal Saylor oo ku diganaya dadka Bitcoin ilaa hadda aaminsanayn ayuu yidhi βMarka la gaaro waqtiga uu la-taliyahaaga maaliyadeed kuu ogolaado inaad iibsato Bitcoin, qiimaheedu wuxuu gaadhi doonaa $1 milyan. Marka uu kuu sheego in ay tahay fikrad wanaagsan, waxay gaadhi doontaa $10 milyan.β
Shirkii shalay furmay oo ilaa maanta socda ayuu ka hadlay Eric Trump oo ah wiilka Trump ayaa yidhi βWaa arrin qosol leh in bangiyada ay shaqeeyaan 9:00 subaxnimo ilaa 5:00 galabnimo Isniin ilaa Jimce, iyadoo ay qaataan hal saac iyo badh nasasho ah, runtii nidaamka maaliyadeed ee hore wuu burburay.β waxaa kale oo uu raaciyay “waxaan aaminsanahay inaan ku guulaysan doonno horumarinta suuqa crypto”.
Eric oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Imaaraadka Carabta mar walba waxay mashruuc walba ku aqbalaan βhaa,β halka Yurub ay noqotay βmid laga quustayβ oo ay adagtahay in lala shaqeeyo.
Sida laga soo xigtay CoinGecko, 52.7% dhammaan lacagaha dhijitaalka ah ee la bilaabay tan iyo 2021kii way fashilmeen.
Sanadka 2025 ayaa laga diiwaangeliyey tirada ugu badan ee mashaariicda crypto-ga ee guuldareystay, iyadoo ay gaadhayaan 1.8 milyan, maadaama memecoin sannadkan caan ahaa.
- π ETFs iyo Maalgashi Hayβado Suuqa saameeyo
Qiyaastii 597 BTC iyo 1,280 ETH ayaa la iibsaday 30-kii April.
ETF-yada BTC waxay la kulmeen $56.3 milyan oo ah lacagaha ka baxay (net outflows).
ETF-yada ETH waxay arkeen $2.3 milyan oo ah lacagaha ka baxay.
ETF-ka BlackRock ee spot Bitcoin ayaa iibsatay 2,830 BTC oo qiimahoodu yahay $267 milyan 30-kii April.
IBIT ee BlackRock waxay hadda haysataa 601,208 BTC oo qiimahoodu ku dhow yahay $57 bilyan. Tani waxay ka dhigan tahay 2.8% dhammaan Bitcoin-ta jiri doonta abid.
Maanta Grayscale Bitcoin Trust ayaa ka saartay akoonnadeeda 9,645 BTC oo qiimaheedu yahay $911.3 milyan.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Python for beginners
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing