Ku soo dhawaada Gelle Crypto waa madal lagu soo qaaro maalin walibo wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira Crypto, Blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain
π 1. Xaalada guud ee Suuqa
- Market capka guud ee suuqa waxuu marayaa maanta 3.33 trillion halka volume hantida dhex martay 24 saac u dambeysay ay gaarayso 139.27 Billion
- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka BTC 62.2% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 38.8%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu maraayo 40%. taas oo ka dhigan in la gali karo marxalad Pull ah ay kici karaan Altcoins ka faa’idada u badan laga samayn karo
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu marayaa maanta 75% taas oo ka dhigan in ay jirto kalsooni buuxda ay maalgashiyaasha ku qabaan suuqa

Xigasho: Coin Market Cap
- Bitcoin (BTC): Qiimaha BTC wuxuu gaaray qiimo dhan $104,900, isagoo dhowr jeer u dhawaaday inuu jabiyo Al time high kiisa hore, taasoo ay sabab u tahay horumarka wadahadalada ganacsiga ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha, iyo suurtagalnimada in la dhimo dulsaarka intrest rate.
- Ethereum (ETH): ETH ayaa hoos ugu dhacday $2,500, iyadoo la kulantay hoos u dhac gaarayo 15% ah, taasoo muujinaysa isbeddelka suuqa.
- Altcoinska kale. waxaa maanta sameyay dhaqaaq aad u sareeyo XRP waxayna sare u kacday 0.21% 24 saac u dambaysay qiimaha halkii xabo waxuu hada suuqyadaka joogaa $2.37, BNP waxay sare u kacday 0.35% qiimaheeda waxuu marayaa $659.27, SHIPinu waxay samaysay dhaqaq dhan 24 saac u dambeysay 2.14% qiimaheeda waxuu ka marayaa suuqyada $0,000016.
ποΈ 2. Xeerarka & Sharciyada Suuqa
- Dowlada Mareykanka: Sharciga cusub ee “Digital Asset Anti-Money Laundering Act” ay samaysay haβyada maamusho maaliyada maraykan ee SEC waxuu u gudbay marxaladda guddiga Aqalka Senate-ka, iyagoo ku soo rogay sharci cusub oo KYC ah in loo sameeyo DEX-yada, arintaan ayaa ah mid adag sidii loo suurta galin lahaa
- Sharciga Kaydka Bitcoin ee gobalka Texas: Sharci Cusub oo Sugaya Ansixinta Guddiga Golaha Wakiillada ee Texas waxuu hadda sugaya codbixinta buuxda ee golaha ka hor inta aan loo gudbin guddoomiyaha gobolka. Sharcigan ayaa u oggolaanaya gobolka in uu sameeyo kayd Bitcoin, taasoo ka dhigaysa Texas gobolka saddexaad ee qaada tilaabada amarka kaydinta Bitcoin uu saxiixay madaxweyne Trump mishii maarso.
- Sharci Cusub Wadanka Belarus: Madaxweynaha Belarus Alexander Lukashenko ayaa ku baaqay in dalka uu horumarin doono warshadaha sameeyo macdanta Bitcoin, si uu wadanka u samaysto kayd Bitcoin
- Pakistan: Dowladda Pakistan ayaa qorsheyneysa in ay qayb ka mid ah korontada dheeraadka ah ay u isticmaasho soo saarista Bitcoin taas ay fursad shaqo ka heli karaan dhalan yaro badan
π 3. Maalgashiyada Waaweyn βWhalesβ ay saameyo suuqa
- Whale ayaa ka saaray 900 BTC una dhiganto dollar ahaan $93.75M Binance, waxuuna ku dirsaday hardware wallet arintaan ayaa muujinayso tartanka lagu kaydsanaayo BTC
- Whale ayaa ku maal gashatay $20.55M Coinka ETH, taasoo muujinaysa kalsoonida sii kordheysa ee maalgashadayaasha u haayaan coin kaan
- Jeeb wayne ayaa iibsaday 148.12 milyan PENGU token taasoo qiimahoodu yahay $2.25M, taasoo muujinaysa xiisaha sii kordhaya ee loo qabo Altcoins ka.
ποΈ4. Mashaariicda Horumarinta ku socdo ee suuqa
- Eden AI: Mashruuc AI ah oo ku saleysan Binance Smart Chain, Eden AI ayaa helaya taageero sii kordheysa, iyadoo la filayo iskaashi weyn iyo adeegsiga isticmaalayaasha taasoo kor u qaadi karto qiimaha mashruucaan.
- Shirkada Tether: waxay si rasmi ah u bilowday adeegsiga USDT ee blockchain-ka Kaia, iyadoo iskaashi la sameysay LINE NEXT, tani waxay u oggolaaneysaa in ka badan 200 milyan oo isticmaaleyaal ah ee LINE in ay adeegsadaan stable coinka USDT si fudud.
- Tether: waxay siisay deeq dhan $100,000 bilyan oo USDT ah, BTCPay Server Foundation, oo ah shirkad ka shaqayso horumarinta software-da..
Xigasho: Cointelegraph
π 5. ETFs & Hay’adaha saamaynta ku leh Suuqa
- BlackRock: ETF-ga Bitcoin ee BlackRock ayaa helay $356M oo maalgashi ah, isagoo sameeyay 19 maalmood oo xiriir ah oo koror ah, taasoo ah rikoodh cusub sanadka 2025.
- Maalgashiyada guud ETFs Bitcoin: ayaa gaaray $320B, taasoo muujinaysa xiisaha sii kordhaya ee hay’adaha ku maalgashinayaan
π 6. Technologiyada Blockchain
- Kororka Amniga Blockchain: Waxaa la filayaa horumarro weyn oo lagu sameeyo hababka amniga blockchain, iyadoo la adeegsanayo algorithms-ka u adkeysan kara kombuyuutarada quantum-ka si loo ilaaliyo xogta.
- Horumarka BaaS: Shirkado badan ayaa bilaabay inay bixiyaan adeegyo blockchain oo ku saleysan Cloud, taasoo u sahlaysa ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe inay isticmaalaan teknoolojiyada blockchain.
- Blockchain-ka Isku-dhafan: Waxaa la arkaa kororka isticmaalka blockchain-yada isku dhafan, kuwaasoo isku dara Public Block chains iyo Private Block chains ah si loo helo amni dheeraad ah.
π€ 7. Garaadka macmalka-AI
- Booliska Ireland Garda ayaa qorsheynaya inay isticmaalaan AI si loo falanqeeyo muuqaalada kaamirooyinka jirka lagu xiro, taasoo ka caawin doonta baaritaanka dambiyada iyada oo aan la adeegsan aqoonsiga wejiyada ee dadweynaha.
- Cilmi-Baare Max Tegmark ayaa ku baaqay in la sameeyo qiimeyn dhab ah oo ku saabsan khatarta ay leedahay Ai isagoo tusaale u soo qaatay tijaabooyinkii nukliyeerka ee 1945.
- Pope Leo ayaa sheegay in AI ay tahay mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla bini’aadamka, isagoo ku baaqay in la tixgeliyo arrimaha anshaxa iyo caddaaladda ee la xiriira teknoolojiyadan.
π 8. Hrumarka Web 3.0
- Isdhexgalka AI iyo Web 3.0: Waxaa laga yaabaa is dhex galka AI iyo Web 3.0, in ay horseedo horumaro cusub oo ku saabsan xoojinta amniga, xakamaynta xogta, iyo khibradda isticmaalaha ee barnaamijyada Web3.
- Kororka Isticmaalka Web 3.0: Waxaa la saadaalinayaa in dhammaadka sannadkaan 2025, barnamijyada Web 3.0 ee DApps in ay noqoto kuwa adeegsigooda ay dadka la qabsadaan
ka baro halkaan Coursada crypto Bilaaw ilaa dhamaad