">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu marayaa maanta ku dhowaad $3.27 trillion waxuuna sare u kacay 0.26% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 78.48 Billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Ccoinka Bitcoin awood dhan 63.9% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 37.1%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 25% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga filaayo ay aad u dhacsanatay.
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa 50% taas oo ka dhigan inuu yahey mid dhexe kalsoonida maalgashiyaasha ay tahay (Neutral).
  • Bitcoin Qiimahiisu wuxuu haatan marayaa $~105,017.63, waxuu hoos u dhacay 0.07%
  • Qiimaha ETH waxuu hoos u dhacay $2,515 qiyaastii -0.74%
  • BNB: qiimihiisu waxuu marayaa $ ~$648.54 waxuuna hoos u dhacay qiyaastii −0.37%

🏛️ 2. Xeerarka & Siyaasad suuqa saameeyo

Xaalada Dagaalka ka socdo Bariga Dhexe ee u dhaxeeyo Iran & Israel wuxuu gaaray meel xasaasi ah, waxaana laga cabsi qabaa inuu ku sii fido Gobolka oo idil waxayna hadda labada wadan ay is dhaafsanayaa weerarro duqeymo, daroomo diyaaradeed, iyo falal sirdoon oo is daba joog ah. saqdii dhexe xalay waxay Iran ku duqaysay gumeystaha Isral gantaalo kor u dhaafayo boqol xabo waxayn bur-bur xoogan u kaysteen magaalooyin waa wayn ay ka mid tahay caasimada gumeystaha Telaviv, halka  isreal ay duqaysay shalay xaruun melateri iyo shidaal ay ku taalo Tehran. Waxay labada wadan is dhaafsanayaan weerarro duqeymo, iyo falal sirdoon oo is daba joog ah.                                   Labada wadan waxay hadda iskugu hanjabeen inay mid walibo burburin doonto ayna u kaysan doonto duqayn xoogan, halka uu yaalo kaydka Nukiyeerka, waana cabsida ugu way nee laga baqaayo hadii ay dhacdo arintaan waxaana socoto olale heshiisiin ay sameynayaan wadamo badan uu ka mid yahay Sucuudiga, Gumeysataha Isreal waxuu sheegay inuu helay xogo sirdoon ay ku saabsan Natanz halka uu yaalo nuclear-ka Iran, halka Iran ay sheegtay inay ka warqabto Dimona halka uu yaalo nuclearka gumeystaha Isreal, ayna ku bur-burin doonto saacado gudaheed.

Saamaynta Suuqyada Maaliyadda ay ku yeelatay xiisadaan taagan

  • Suuqa Cryptocurrency
    • Lacagta Bitcoin iyo cryptocurrencies kale ayaa la arkay isbeddelo weyn, iyadoo BTC hoos u dhacday ilaa 3%
    • Suuqyada DeFi iyo NFT ayaa sidoo kale laga dareemay kacsanaan, iyadoo maalgeliyeyaashu ka baqayaan inay sameeyaan maalgalin xoogan.
  • Suuqyada Saamiyada (Stock Markets)
    • Suuqa saamiyada ee New York iyo London Stock exchange wuxuu hoos u dhacay 0.5% ilaa 1% sababo la xiriira cabsida laga qabo dagaalka.
  • Suuqayada Sarrifka Doolarka iyo Macdanta
    • Qiimaha shidaalka ayaa kordhay ilaa 4%, taasoo ka dhalatay xiisada dagaalka ka socdo Bariga dhexe.
    • Dahabka qiimihiisa ayaa sare u kacayLaba maalmood gudaheed 13 Juun waxuu ahaa $3,427.04, halka maanta uu yahay $3,434.03 waxuuna sare u kacay  0.2%
    • Qiimaha Dollar Index-ka (DXY), waxuu sare u kacay +0.27% ilaa +0.31% 24-ka saac u dambeysay.
  • CEO-ga Circle Jeremy Allaire wuxuu yiri: Stablecoins waxay noqon karaan lacagta ugu waxtarka badan ee caalamka, isagoo u sababeebayay hormarka technologiyada xooga ku socdo
  • Brazil waxay canshuur 17.5% ah ku soo rogtay faa’iidooyinka crypto ee ka sameeyaan shaqsiyaadka wadankeeda.

🐋 3. Dhaqdhaqaaqa maalgashiga

  • Whale ayaa ka saaray 15.15M ENA tokens (qiyaastii $4.5M) exchange, taasoo tilmaamaysa kaydin.
  • whale lagu magacaabo AguilaTrades wuxuu furay $200M long position oo BTC ah wuxuuna isticmaalay 20× leverage, si uu faa’ido ugu sameeyo saadaaalinta coinka BTC

🚀 4. Mashaariicda cusub Presales & ICO

  • Nimanode ($NMA) – XRP Ledger AI project waa mashruuc Ai ah oo ku dhisan XRP Ledger, wuxuu ka gudbay presale waxaa la filayaa inuu 10x sameeyo.
  • Mashaariicda sida: Solaxy, MIND of Pepe, INJ, SUBBD, HYPER, Chainlink ayaa si xoog leh u socda maalgalintooda, inta aysan suuqaya soo galin gaar ahaan kuwa ku saleysan AI iyo oracles.

📈 5. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha suuqa

  • Grayscale BTC Trust waxuu helay $50M oo lacag cusub ah toddobaadkan – taasoo muujinaysa xiiso maalgashi oo ka imaanaya hay’ado waa wayn

🔗 6. Tiknoolojiyadda Blockchain-ka

  • Cilmi baaris cusub ayaa muujisay in mashaariic badan oo AI ah wali aysan si buuxda u shaqeynin on-chain Blockchain-ta dhexdiisa, taasoo fursad siinaysa horumarin mustaqbalka.

🌐 🤖 7. Ai &Web 3.0

  • Tokens-ka AI sida AIOZ ayaa loo saadaalinayaa inay si fiican u shaqeyn doonaan sanadka 2025.
  • Tokens ay ka mid yihiin: district0x, Injective, Ethereum, Polkadot, Fetch.ai (FET) ayaa loo arkaa kuwa ugu muhiimsan ee Web3  waxay qabtaan shaqooyin ay ka mid yihiin: governance, DeFi, AI, iyo interoperability.

🖼️ 8. NFT & DeFi

  • Qalab cusub ayaa falanqeynaya dhaq-dhaqaaqa NFT-yada Solana blockchain ku jira Magic Eden si loo helo xog maalgashi.

Halkaan ka baro Coursada Crypto

Leave a comment