Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Market Cap ka guud ee suuqa waxuu joogaa maanta $4.03 trillion, halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 114.9 Billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin awood dhan %57.9 halka Altcoins ay haystaan awood dhan 43.91%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 76% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay soo hagaagayso
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu muujinayaainuu yahay 42% taasoo ka dhigan inay hoosayso damaca maalgashiyaasha suuqa.
  • Bitcoin (BTC) ayaa maanta hoos u dhacay, isagoo weli ku jira xadka $115 – 110, waxuu hadda joogaa qiimihiisa $116,379.21
  • Ethereum (ETH) waxa uu ku suganyahay xasillooni, qiimihiisuna wuxuu marayaa hadda $4,446.89
  • Altcoins kale ee suuqa sida Solana (SOL), XRP, Ton, SUI, Tron, ADA iyo Doge waxay muujinayaan dhaqdhaqaaq hooseeya oo ka tarjumayso iibsasho yar.
  • Stablecoins sida USDT iyo USDC ayaa weli door muhiim ah ka ciyaaraya isdhaafsiga lacagaha suuqa Crypto. USDT waxaa la isku dhaafsaday maanta hanti dhan $93 billion halka USDC lagu kala ganacsaday 11 billion.

📜 2. Xeerar-ka & Siyaasada Suuqa

  • Hay’ada SEC ee Maraykanka waxay ansixiyay sharciyo cusub oo fududeynaya in ETFs-yada spot crypto la oggolaado iyada oo aan loo baahnayn dib u eegis gaar ah oo waqti badan qaadata.
  • Xeerarkan cusub waxay suuqa u oggolaanayaan in la liiska ETF-yada lagu saleeyo cryptocurrencies sida XRP, Solana, iyo DOGE si dhakhso ah.
  • FCA ee UK waxay sheegtay in shirkadaha crypto ay marka hore ka reeban yihiin “consumer duty rules” marka la ballaarinayo xeerarkooda la xiriira isticmaaleyaasha caadiga ah; waxayna qorshaynayaan in la diyaariyo qaab u gaar ah crypto.
  • SEC waxay oggoshahay in shirkadaha sarrifka (exchanges) sida NYSE, Nasdaq iyo Cboe ay isticmaali karaan “generic listing standards” si loogu liisto-gareeyo ETFs crypto-ga spot, taas oo yaraynaysa waqtiga oggolaanshaha
  • Yurub waxay xoojisay MiCA regulation oo diiradda saaraya shirkadaha adeegga crypto.
  • Dalal badan ayaa weli ka wada hadlaya sidii loo mideyn lahaa sharciyada crypto.
  • Dowladda Hindiya ayaa ku wargelisay ganacsatada crypto in ay bixiyaan xog buuxda.

💰 3. ETFs & Maalgashiga Hay’adaha (Institutional Investment)

  • ETF cusub oo Dogecoin ku saleysan ayaa la bilaabay, taas oo muujinaysa in memecoins ay helaan aqoonsi sharci
  • Bitcoin ETFs-ka Mareykanka ayaa weli helaaya lacag cusub oo soo galeysa.
  • Shirkado waaweyn ayaa sii kordhiyay hantidooda ku jirta crypto ETFs.
  • Ethereum ETFs ayaa la filayaa in ay si weyn suuqa u saameeyaan marka la ansixiyo.

🆕💰 4. Coins- ka Cusub ee Suuqa la filaayo in la keeno

  • LILPEPE waa meme token cusub oo presale-kiisa uu yahay mid aad u yar waxaa la iibiyey phase 1aad inta la mint-gareeyay ee tokens-kiisa laakiin weli waxaa jiro qayb presale oo socda.
  • Ozak AI (OZ) Token: waxuu ku jiraa presale, waa mashruucu isku dayaayo inuu keeno adeegyo saadaalin ah oo ku dhisan AI + blockchain, waxaana la filayaa inuu helo maalgashiyo weyn.
  • Grayscale Digital Large Cap Fund waa token/ETF cusub oo isku daraya hanti badan oo crypto ah sida: BTC, ETH, XRP, SOL, ADA.

🐋 5. Dhaqdhaqaaqa (Whale Investments) ee saameeyo Suuqa

  • Whales-ka Bitcoin waxay bilaabeen iibsasho badan oo BTC ah, maalmahaan.
  • Dhaqdhaqaaqyo waaweyn oo lacag lagu wareejiyay ayaa laga diiwaan geliyay suuqayada Crypto
  • Whales ayaa ku sameeyay iibsasho balaaran LINK (Chainlink), CRO, iyo TON inta lagu gudi jiray bishan, taas oo tilmaamaysa in altcoins qaar ay yihiin kuwo loo arko fursad wanaagsan.

🚀 6. Mashaariicda Horumarka ku socdo ee Suuqa

  • Mashruucyo cusub oo AI la xiriira ayaa soo baxay oo helaya maalgelin balaaran.
  • Token cusub oo la yiraahdo “GreenFi” waxuu sameeyay dhaqaaq xoogan.
  • Mashaariic Web3 ah ayaa helaya taageero ballaaran oo caalami ah.

🔗 7. Tignoolajiyada Blockchain

  • Hal-abuur cusub ayaa lagu daray blockchain si loo kordhiyo xawaaraha.
  • Shirkadaha caafimaadka ayaa tijaabinaya blockchain kaydinta xogta.
  • Blockchain ayaa loo adeegsanayaa ilaalinta xogaha sharciga iyo heshiisyada.
  • Dalal qaar waxay blockchain u isticmaalaya nidaamka codbixinta.

🤖 8. AI & Web 3.0

  • AI waxaa loo adeegsanayaa in lagu taageero amniga crypto.
  • Web3 ayaa sii kordhaya iyadoo la sameynayo barnaamijyo decentralized ah.
  • Shirkado badan ayaa sameynaya adeegyo Web3 loogu talagalay dadweynaha.
  • AI waxaa la filayaa inay door weyn ka ciyaarto mustaqbalka crypto.

🖼️ 9. NFT & DeFi

  • NFTs ayaa hoos u dhacay qiimo ahaan, laakiin weli suuqa way xoogan yahay.
  • DeFi platforms cusub ayaa soo kordhaya, gaar ahaan kuwa amniga xoogga saara.

Halkaan ka baro coursada Crypto

https://gellebashir.com/courses/barashada-cryptocurrency-somali-cryptocurrency-coursecrypto-bilaw-ilaa-dhamaad-afsomali-cryptocurrency-course

Leave a comment