Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walba dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu haatan marayaa ku dhowaad $3.43 trillion waxuuna hoos u dhacay 2.33% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $151.55B Billion.
- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Coinka Bitcoin 63.1% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 37.9%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 23% taasoo ka dhigan in damaca altcoins loo qabo ay hoos u dhac santahey, rahadooda ay hoosayso
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa 67% taas oo ka dhigan inuu yahey dhaxe ayna jirto hoos u dhac damaca maalgashiyaasha
- Bitcoin (BTC): Qiimihiisu wuxuu gaaray heerkii ugu sarreeyay abid oo ah $112,000 waxuuna samaystay All time high cusub ka dib Halvingii dhacay bishii August 2024, balse hadda waxuu kalay marxalada Correction, waxuu hadda qiimihiisa suuqyada ka joogaa $109, 400.28.
- Ethereum (ETH): Qiimihiisu wuxuu kor u kacay ilaa $2,700, laakiin wuxuu wajahayaa caqabado ah inuu jebiyo heerka iska caabbinta ee $2,900 si uu u gaaro heerar cusub :New All time high”
- Altcoins: Lacago kale ay samay dhaqaaq waxaa ka mid ah SOL, DOGE, XRP,ADA, TRON, SUI, Chainlink, HyperLiquid, BNB, waxaa sidoo kale Liquidity aad u badan soo gashay dhaqaaqa suuqana ka qaybqaatay Stable coins-ka USDT iyo USDC.
🔁 2. Exchange Inflow & Outflow ee Suuqyada
📥 Inflow (Lacagta Soo Galay Suuqa)
- Waxaa Bianace lagu wareejiayay $2050 milyan stable coinka USD1, ay soo saaratay shirkada World liberty
- Aasaasaha Ethereum Jeffrey Wilcke wuxuu ku wareejiyay $262 Milyan oo ETH ah ExchangeKraken
- Sanduuqyada maalgashiga Bitcoin ee Mareykanka (Bitcoin ETFs) waxay heleen lacag dhan $3.6 bilyan ee soo gashay “Net inflow” bishan May.

Xigasho: Coinglass
📤 Outflow (Lacagta Ka Baxda Suuqayada)
- Coinbase ayaa laga saaray 9,739 Bitcoin (oo u dhiganta $1 bilyan) waana tiradii ugubadan ee laga saaro Coinbase sanadkan, taasoo muujinaysa in hay’adaha waaweyn ay keydiyaan Bitcoin si gaar ah hardware wallets-ka.

xigasho: CryptoQuant
🏛️ 3. Sharciyada iyo Xeerarka Suuqa.
- XRP ETFs: Ha’ada SEC waxay dib u dhigtay go’aan ka gaarista ETF-ka XRP.
- Waddanku Kazakhstan wuxuu diyaarinayaa sharciyo adag kadib markii $15 bilyan laga saaray suuqa lacagaha crypto.
- Madaxwaynaha Trump wuxuu ku baaqay in la saaro canshuur dhan 50% ganacsiyada Midowga Yurub laga bilaabo 1-da Juun, waxaa laga yaabaa inay saamayso arintaan suuqa
- Trump wuxuu ku hanjabay inuu saaraayo 25% canshuur ganacsi haddii shirkadaha Samsung iyo Apple aysan wax ku soo saarin gudaha maraykanka.
🐋 4. Dhaq-dhaqaaqa Maalgeliyaasha (whales)
- Wahle ayaa iska iibiyey 30,000 coinka ETH, isagoo sameeyay faa’iido dhan $23.7 milyan.
- Whale ayaa bixiyay 1.1 BTC una dhiganto $120,000 khidmad macaamil ah, waana fee-ga ugu sareeyo ee sanadkaan la ixiyay
- Whale ayaa ka wareejiyay 605 BTC una dhiganto $65,625,881 Account-giisa kraken kuna wareejiyay Wallet aan la aqoon.
🚀 5. Mashaariicda Horumarinta ku socdo
- Waxaa la daabacay 100 milyan Coinka USDC ah ay samaysay shirkada Circle.
- Bitcoin Solaris: Presale-ka Bitcoin Solaris ayaa si xawli ah u socota, iyadoo lagu daray feature ah “mobile mining,” qiimaha lagu bilaabi doono waa $20.
- Bangiyada waaweyn ee Mareykanka sida JPMorgan iyo Bank of America waxay qorsheynayaan inay soo saaraan stablecoin cusub.
- XpFinance: waa madal bixiso lending iyo barrowing waxaana lagu dhisay XRP Ledger,
📊 6. ETFs & Ha’adaha Saameeyo Suuqa
- BlackRock ETF waxay iibstay Bitcoin ku kacaya qiimihiisa $877.2 Milyan shalay.
- Shirkada Tesla waxay hadda haysataa Bitcoin gaaraya qiimihiisa $1.2 bilyan
- Fidelity waxay iibsatay 16,547 ETH iyo 220.04 BTC oo ku kacaysa $66.9 Milyan
- Waxaa la saadaalinayaa Litecoin ETF inay noqon doonto ETF-kii saddexaad ee helo maalgalinta ugu badan.
- ETF-yada Bitcoin & Ethereum waxaa soo gashay Maalgelin dhan ku dhawaad $1 bilyan shalay.
🔗 7. Blockchain Technology
- Bangiyo waaweyn ay ka mid yihiin HSBC, Bank of America, iyo Euroclear ayaa heshiis la galay Solana Foundation si ay u adeegsadaan blockchain-ka Solana. Tani waxay muujinaysaa sida bangiyada ay u aqbalayaan teknoolojiyadda blockchain si ay u horumariyaan adeegyada maaliyadeed.
Xigasho: Financial Times
🤖 8. Garaadka Macmalka-Ai
- AI Trading Agents: Waxaa la tijaabinayaa in ChatGPT iyo AI kale loo adeegsan karo crypto trading si loo yareeyo cabsida iyo khaladaadka traders ka
- Horumariyeyaasha iyo maalgashadayaasha tiknoolajiyada ayaa sii kordhinaya xiisaha ay u qabaan isku darka AI iyo Blockchain. Isku darkani wuxuu kor u qaadi karaa hufnaanta, amniga, iyo awoodda nidaamyada dijitaalka ah, gaar ahaan meelaha sida smart contracts.
🌐 9. Web3.0
- Qubetics ($TICS): Waxay horumarinayaan suuq tokenization decentralized ah oo loogu talagalay hantida dhabta ah, taasoo ka dhigaysa mid muhiim ah ee Web3.
- Maamulaha VanEck Fund: wuxuu bilaabay sanduuq maalgelin ah oo lagu horumarinayo Web3, gaar ahaan Avalanche.
Halkaan ka baro Coyrsada Crypto