Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
- π xaaladda guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $2.97 Trillion, waxuuna hoos u dhacay 0.33%
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey Neutral (52) aysan jiran cabsi xoogan iyo damac sare waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaaray $94,990, kor u kac dhan 0.17% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hadda marayaa $1,810.
XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 2.43%. Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.22.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta hoos u dhacay 0.35% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $147.55.
- π Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasadda Suuqa
Trump oo daba socda khilaafkii u dhaxeeyay isaga iyo Jerome Powell maamulaha Fed ee aan ka soo hadalnay ayaa yidhi kalmad dhagahadal ah oo u dhigan sidan ” Waxaan ka aqaanna xadka ribada (interest rates) in ka badan inta uu yaqaanno Powell”.
El Salvador: Wasiirka dhaqaalaha ee El Salvador ayaa xaqiijiyay in waddankiisu weli sii wado iibsashada Bitcoin, inkasta oo heshiiskii amaahda IMF uu ku qasbayay inay joojiyaan ururinta token-kaas Bitcoin ah.
Talyaaniga: Bangiga Talyaaniga ayaa ku tilmaamay Bitcoin iyo hantida dhijitaalka ah inay yihiin khataro soo baxaya, sida ku xusan warbixintoodii ugu dambeysay, iyagoo muujiyay walaac ku saabsan maalgashadeyaasha iyo nidaamka maaliyadeed.
Yurub: Bangiga labaad ee ugu weyn Yurub ee Bunq, ayaa la kaashaday Kraken si uu ugu suurtageliyo isticmaaleyaasha app-kiisa bangiga inay ka ganacsadaan crypto, iyadoo adeegga laga bilaabayo lix dal oo reer Yurub ah laga bilaabo April 29.
SEC ayaa joojisay baadhitaankii ay ku wadday stablecoin-ka $PYUSD ee ay leedahay shirkadda PayPal.
- π Dhaq-dhaqaaqa Maalgashiyaasha Whale Investment)
π¨ Tether: Tether ayaa daabacday wadar dhan 2,000,000,000 USDT oo lagu suuq geeyay shabakadda Ethereum.
Shirkadaha waa weyn ayaa ku daray ku dhawaad 100,000 BTC kaydkooda bishii April.
MicroStrategy ayaa hogaanka u haysay iyada oo kordhisay 25,370 BTC (oo ah 26.3% guud ahaan iibsashadii bishii April).
Sida aan ka soo xigannay Bitwise, 15 shirkadood oo cusub ayaa bilaabay inay iibsadaan Bitcoin bishii la soo dhaafay.
- π Mashruucyada Horumarinta ku socdo ee Crypto
Waxaa maanta ka qabsoomay caasimadda Imaaraadka Carabta ee Abu dhabi shir loogu magac daray TOKEN2049, Waa dood wadaag heer sare ah oo looga hadlayo sida maalgashiga shirkaduhu uu u beddelayo muuqaalka suuqyada crypto.
Hoggaamiyeyaasha waaweyn ee shirkadaha caalamiga ah ayaa madasha ka hadlay.
Robert Mitchnick, Madaxa shirkadda maalgalineed ee BlackRock.
Jan van Eck, Maamulaha Guud ee VanEck.
Giovanni Vicioso, Madaxa Cryptaha ee CME Group.
βWaxaan rajeynaynaa in la ansixiyo ETF-ka Solana,β ayuu yidhi Maamulaha Guud ee VanEck, Jan van Eck.
Wuxuu sidoo kale sheegay in uu aaminsan yahay in la arki doono ETH staking lagu daray ETF-yada Ethereum.
Waxaa kale oo uu raaciyay in uu u maleynayo inaan weli ku jirno marxalad hore marka la eego maalgashiga crypto ee laga filayo maal-gashadeyaasha weli suuqa dhijitaalka ah la qabsan.
Changpeng Zhao milkiilaha Binance oo hadda madasha TOKEN2049 ka hadlayay ayaa sheegay in uu bari rabi carruur 100 milyan ama hal bilyan gaadhaysa suuqa crypto isaga oo adeegsanaya Giggle Academy oo hadda uu hawsheeda ku jiro.
Exchange-ga OKX ayaa bartiisa ku shaaciyay maqaal u dhigan “Waxaan si farxad leh u shaacinaynaa in aan la kaashanay Mastercard si aan u soo saarno OKX Card, taasoo u fududeynaysa isticmaalka stablecoin-ka malaayiin qof, si Wadajir ah ayaan u keeneynaa hantida dhijitaalka ah nolol maalmeedka aadamaha ayay raaciyeen.
- π ETFs iyo Maalgashi Hayβado Suuqa saameeyo
Taxliiliyeyaasha ETF-yada ee wargayska Bloomberg ayaa cusbooneysiiyay saadaashooda ugu dambeysay ee ansixinta Spot ETF-yada crypto.
Crypto Index, Litecoin, iyo Solana ayaa hogaaminaya iyaga oo haysta fursad ah 90% in la ansixiyo.
Ku dhawaad 1,820 BTC iyo 10,230 ETH ayaa la iibsaday April 29keeda.
ETF-yada BTC-ga waxay heleen qulqul dhan $172.8 milyan.
ETF-yada ETH-ga waxay heleen qulqul dhan $18.4 milyan.
π₯ BlackRock: Spot ETF-ka BlackRock ayaa iibsaday 2,280 BTC oo qiimahoodu yahay $216.7 milyan April 29keeda.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Python for beginners
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing