">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.44 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 2.79%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (64), Tani waxay tilmaamaysaa in uu jiro damac ama rabitaan iibsi waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kac ay waxuuna gaaray $109,552, kor u kac ah 1.66% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 9.21% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,776.8.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 1.58% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.30.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 3.07% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $160.53.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuq

Wasiirka Ganacsiga Howard Lutnick ayaa sheegay in horumar xooggan laga sameeyay wadahadallada ganacsi ee u socda Maraykanka iyo Shiinaha, iyadoo wada-xaajoodyadu la filayo inay sii socdaan inta ka dhiman maalinta.

Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Senate-ka John Thune ayaa gudbiyay codsi cloture ah(soo afmeerid doodeed) oo ku saabsan sharciga GENIUS Act iyo wax-ka-beddelka labada xisbi ay isla ogyihiin, taasoo gogol-xaar u ah codbixinno dhici doona toddobaadkan.

Sharcigani wuxuu u baahan yahay ugu yaraan 60 cod si uu usii gudbo wajiga ugu dambeeya ee ansixinta.

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

24-kii saac ee u dambeeyay waxaa Exchanges-ka soo galay Bitcoin dhan 8450 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $925.7 million, waxaana ka baxay 6878.2 BTC oo u dhiganta $753 million, Tani waxay ka turjumaysaa in maanta dhaqdhaqaaq xooggan jiro isla markaana suuqyada is-waydaarsiga ay ku soo qulqulayso BTC badan xogtani waa badhtamaha maalinta waxay soo baxayso balse ilaa caawa waa is-beddeli karaan tirooyinku.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Shirkadda KULR Technology Group ayaa ku dartay 118 BTC kaydkeeda maaliyadeed, waxayna qorsheyneysaa inay uruuriso ilaa $300 milyan si ay Bitcoin dheeraad ah u iibsato. Shirkaddu hadda waxay haysataa $91 milyan oo ah BTC.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

Baahida Bitcoin ee Maraykanka ayaa si weyn u korortay iyadoo Coinbase Premium uu gaaray heerkii ugu sarreeyay ee 4 bilood ah, isla markaana 550,000 BTC laga saaray Exchange-yada, sida aan ka soo xigannay cryptoquant

Tirada Ethereum-ka la kaydiyay (Staked ETH) ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay abid oo ah 34.65 milyan ETH, taasoo hadda ka dhigan ku dhawaad 30% tirada wareegaysa ee hadda jirta.

  1. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

Qiyaastii 3,650 BTC iyo 21,010 ETH ayaa la iibsaday June 9-keeda.

ETF-yada Bitcoin waxay heleen $386.2 milyan oo ah wadarta maalgashiga soo galay.

ETF-yada Ethereum-na waxay heleen $52.7 milyan oo ah wadarta maalgashiga soo galay.

Spot ETF-yada BlackRock waxay iibsadeen 1,140 BTC iyo 14,030 ETH maalintii June 9-keedii.

IBIT ee BlackRock ayaa noqotay ETF-ga ugu dhaqsaha badan ee gaadha $70 bilyan, kaddib 341 maalmo ganacsi, taasoo rikoodhka GLD uga dheereysay shan jeer, sida uu sheegay Eric Balchunas.

  1. 🔗Teknooloojiyadda Blockchain

Ripple waxay kordhisay dadaalkeeda waxbarashada blockchain ee gobolka APAC (Asia-Pacific), iyadoo ku deeqday $5 milyan oo dheeraad ah oo maalgelin ah iyada oo loo marayo Barnaamijkeeda Cilmi-baadhista Jaamacadaha ee Blockchain (University Blockchain Research Initiative), taasoo ka hirgeli doonta lix dal.

Dowladda UK ayaa magacaawday khabiir u gaar ah lacagaha dhijitaalka ah oo ah khabiir hore oo booliis ah, si uu uga caawiyo soo kabashada hantida dhijitaalka ah sida Bitcoin xilliyada kiisaska dambiyadu dhacaan.

  1. 🤖 Intelligence-AI

Amazon waxay ku dhawaaqday maalgelin dhan $20 bilyan oo ay ku ballaarinayso kaabeyaasha Garaadka macmalka ah (AI) ee gobolka Pennsylvania, si loo dardargeliyo hal-abuurka AI.

  1. 🖼️ NFTs-Non Fungible Tokens

TON ayaa gashay kaalinta koowaad ee liiska mugga ganacsiga maalinlaha ah ee NFT-yada, isagoo noqday kan ugu sarreeya guud ahaan ama kaalinta labaad marka laga reebo offchain-ka Ethereum.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

https://gellebashir.com/courses/barashada-cryptocurrency-somali-cryptocurrency-coursecrypto-bilaw-ilaa-dhamaad-afsomali-cryptocurrency-course/

Leave a comment