">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.25 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 3.67%.

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (54), Tani waxay tilmaamaysaa in uu jiro damac ama rabitaan iibsi oo yar sababaha hoos u dhaca suuqa awgii, waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.

In ka badan $1.16 billion ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $1.03 billion ay ka yimaadeen dad kor u galay suuqa (long positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhac ay waxuuna gaaray $104,656, hoos u dhac ah 2.47% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 8.19% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,517.8.

XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 4.97% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.12.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 9.31% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $144.03.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuq

Dagaalka ay israa’iil duqaymaha ugu gaysatay xeryaha lagu bacrimiyo nukliyeerka ee Natanz ee dalka iiraan ayaa waxaa ku geeriyooday laba shaqsi oo ahaa laf-dhabarta aqoonyahannada nukliyeerka dalka iiraan.

Sidoo kale waxaa lagu khaarijiyay duqaymahan taliyihii ciidanka kacaanka dalka iiraan. Dagaalkan oo uu Maraykanku lug ku lahaa oo la sheegay gantaallada qaar in laga soo tuuray saldhigyo maraykanku ku leeyahay dalka ciraaq ayaa kor u qaadaysa xiisadda ka taagan bariga dhexe.

Haddii uu dagaal dhexmaro israa’iil iyo iiraan waxaa la filayaa in suuqa crypto uu hoos u dhaco, kan dahabkuna uu kaco.

Aqoonyahannada Shiinaha ayaa ka digay in stablecoins ay khatar ku yihiin madax-bannaanida lacagta dalka shiinaha.

Madaxweynaha Trump ayaa sheegay in heshiiska Shiinaha uu yahay mid wanaagsan, sidoo kale waxa uu sheegay inuu eryi doonin Powell.

Trump ayaa sheegay inuu doonayo inuu kala hadlo Elon Musk baabuurta korontada ku shaqeeya, isagoo intaas ku daray in “Elon wuu i jecel yahay.”

Senetka Mareykanka ayaa jadwal u sameeyay codbixinta ansixinta ugu dambeysa ee Xeerka GENIUS oo dhici doonta Talaadada, June 17, 2025-ka, iyadoo waqtiga saxda ah uu go’aamin doono Hogaamiyaha Aqlabiyadda.

  1. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

24-kii saac ee u dambeeyay waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 11,498 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $1.2 billion, waxaana ka baxay 9952.1 BTC oo u dhiganta $1.04 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn jiro oo suuqa Bitcoin soo galayso.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

Shirkadda DeFi Development Corp. ayaa heshay maalgashi gaadhaya $5 bilyan si ay ugu iibsato SOL dheeraad ah oo loogu talagalay kaydkeeda maaliyadeed.

Whale ku ganacsada Binance ayaa ku qasaaray trade Long position ah ama kor ah oo BTC/USDT ah oo qiimihiisu ahaa $201M hal mar gudaheed.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

SEC ayaa dib u dhigtay go’aankeeda ku saabsan VanEck spot Avalanche ETF.

Shopify oo ah madasha ugu weyn ee E-commerce loo adeegsado ayaa bilaabi doonta in wax lagu gato USDC iyada oo la kaashanaysa Coinbase iyo Stripe

SEC iyo Ripple ayaa si wadajir ah u gudbiyay codsi lagu doonayo in lagu baabi’iyo xayiraadda dacwadooda weli socota. Waxay sidoo kale soo jeediyeen in la kala qaybsado ganaaxa ah ee $125M, iyadoo $50M la siinayo SEC, halka $75M loo qoondeeyay Ripple.

Agaasimaha guud ee Coinbase, Brian Armstrong, ayaa yiri, “Bitcoin waxay noqon kartaa lacagta kaydka ee caalamka.”

  1. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

Qiyaastii 794 BTC iyo 40,540 ETH ayaa la iibsaday June 12-keedii.

ETF-yada BTC waxay heleen $86.3M oo maalgashi cusub ah.

ETF-yada ETH waxay heleen $112.3M oo maalgashi cusub ah.

Spot ETF-yada BlackRock ayaa June 12 iibsaday 2,650 BTC iyo 36,640 ETH.

  1. 🤖 Intelligence-AI

Senator Cynthia Lummis ayaa soo bandhigtay Xeerka RISE ee 2025, si loo dhiso difaac sharciyeed ka xoreeya mas’uuliyadda waddaninimo horumariyeyaasha AI-ga qaarkood, iyadoo la dhiirrigelinayo hal-abuurnimada iyo daahfurnaanta nidaamyada AI-ga.

Nvidia kuma sii dari doonto Shiinaha saadaasheeda mustaqbalka sababtoo ah xayiraadaha sii socda ee Mareykanka ee dhoofinta chips-ka, ayuu yidhi agaasimaha guud Jensen Huang.

Pakistan ayaa ka faa’iideysanaysa 2,000 MW oo koronto dheeraad ah si loogu isticmaalo qodista Bitcoin iyo horumarinta AI-ga si loo yareeyo khasaaraha loona horumariyo tiknoolajiyada.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment