">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

  1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.32 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 1.51%

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey Neutral (71), Tani waxay tilmaamaysaa in uu jiro damac ama rabitaan iibsi oo aad u sarreeya waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.

Sicir-bararka dalka Mareykanka ayaa hoos ugu dhacay 2.3%, taasoo ka hooseysa filashooyinkii la lahaa.

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaaray $103,630, hoos u dhac ah 0.77% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 2.17% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,499.5.

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 3.27%Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.54.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 0.47% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $174.41.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Madaxweyne Donald Trump ayaa ku sugan Sacuudi Carabiya safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda tan iyo markii uu xilka la wareegay. Wuxuu la kulmayaa Dhaxal-sugaha Boqortooyada, Mohammed bin Salman, isaga oo ay weheliyaan mas’uuliyiin sare iyo maamulayaasha shirkado waaweyn.

Xoghayaha Maaliyadda ee dalka Maraykanka, Scott Bessent, ayaa isna ku sugan Riyadh, halkaas oo uu ka sheegay inuu ka qayb-galayo shir maalgashi oo uu rajo wanaagsan ka qabo wadahadallada ganacsi ee dalalka Asia, hase yeeshee uu wada socodka la xidhiidha Yurub noqon doono mid gaabis ah.

Mas’uuliyiinta maaliyadeed ee ka hadlay shirkan ayaa xusay jahawareerka suuqyada oo ka dhashay siyaasadaha ganacsi ee Trump, balse waxay sheegeen in maalgeliyeyaashu ay tahay in ay yeeshaan aragti fog oo muddada dheer ku salaysan.

Trump waxaa la filayaa in uu helo heshiisyo dheeraad ah oo maalgashi ah oo ka imanaya gobolka. Arrimaha juquraafi-siyaasadeed ayaa sidoo kale ka mid ah ajandaha, iyadoo Trump uu sheegay in laga yaabo inuu booqdo Turkiga Khamiista, halkaas oo ay ka dhici doonaan wadahadallo u dhexeeya Ukraine iyo Ruushka.

Guddoomiyaha Arizona, Katie Hobbs, ayaa diidday sharciga sanduuqa kaydka hantida dhijitaalka ah ee gobolka ee SB1373.

Bayaan ay soo saartay, Hobbs waxay ku sheegtay in isbeddelka xawliga ah ee suuqyada cryptocurrency-ga aanu ku ahaanaynin “xulasho laga fiirsaday” in lagu maalgeliyo lacagaha guud ee gobolka.

Dowladda Mareykanka ayaa soo jeedisay xukun laba sano ah oo xabsi ah in lagu rido Eric Council Jr., kaasoo ka qayb-qaatay faafinta farriin been ah oo lagu daabacay akoonka SEC ee barta X bishii January 2024, taasoo si khaldan u sheegtay in la ansixiyay Bitcoin ETF-yada.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashadeyaasha

Shirkadda DeFi Development Corp ayaa iibsatay 172,670 SOL oo qiimahoodu yahay qiyaastii $23.6 milyan, taasoo wadarta guud ee kaydkeeda ka dhigeysa 595,988 SOL.

Metaplanet ayaa soo saartay bonds qiimahoodu yahay $15 milyan oo aan lahayn dulsaar (0%) si ay ugu iibsato Bitcoin dheeri ah.

Sidoo kale The Blockchain Group ayaa qorsheynaya inay ururiyaan €12.1 milyan iyada oo loo marayo soo saarista bonds si ay ugu iibsadaan Bitcoin dheeri ah.

Aasaasaha BitMEX, Arthur Hayes, ayaa kaga falceliyay heshiiska canshuuraha ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha isagoo ugu baaqay ganacsatada inay “iibsadaan wax walba.”

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarinta ku socdo ee Crypto

Shirkadda GD Culture Group oo ka mid ah Nasdaq ayaa heshay ballanqaad maalgelin ah oo gaaraya $300 milyan si ay u dhisto kayd lacageed oo ka kooban BTC iyo TRUMP.

Maamulka Maaliyadda Dubai ayaa la saxiixay heshiis is-afgarad (MoU) ah Crypto.com si uu u suurogeliyo bixinta khidmadaha dowladda iyadoo la adeegsanayo lacagaha dhijitaalka ah sidoo kalena horumarinaysa yoolkeeda ah in ay noqoto 90% lacag la’aan ah (cashless) sanadka 2026.

Truth Social ayaa beenisay wararka laga faafiyay ee sheegaya inay bilaabi rabaan memecoin, iyadoo ku tilmaantay wararkaasi “war been ah.”

Maareeyaha guud ee Coinbase, Brian Armstrong, ayaa ku dhawaaqay in “Coinbase ay noqotay shirkaddii ugu horreysay ee crypto ah ee ku biirta S&P 500.”

98% ka mid ah wallets-ka Bitcoin ayaa hadda faa’iido ku jira, sida ay sheegtay shirkadda CryptoQuant.

Madaxa istaraatiijiyadda ee Coinbase Institution ayaa sheegay, “qodayaasha Bitcoin ma awoodaan inay u soo saaraan Bitcoin si la mid ah sida xawliga ah ee baahida Bitcoin u kacayso.” Baahidu waxay ka badatay tirada Bitcoin-ta cusub.

  1. 📊 ETFs iyo Maalgashi Hay’ado Suuqa saameeyo

BlackRock spot Bitcoin ETF ayaa 666 BTC oo qiimahoodu yahay $69.4 million iibsaday 12-kii May.

Hantida dhextaalla ETF-yada (Market cap) ayaa u dhow inay jabiso meeshii u sarraysay ee ay gaadhay oo ahayd $126 bilyan halka ay hadda socoto $123.5 bilyan.

6. 🔗Teknooloojiyadda Blockchain

Bangiga Robinhood ayaa la wareegaysa WonderFi, oo ah mid ka mid ah madalaha u sarreeya ee lacagaha dijitaalka ah ee Kanada, si ay ugu ballaadhiso adeegyadeeda crypto-ga ah guud ahaan dalka Kanada.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment