">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

  1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.29 Tirilyan, waxuuna hoos u dhacay 2.39%

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey Neutral (71), Tani waxay tilmaamaysaa in uu jiro damac ama rabitaan iibsi oo aad u sarreeya waxuuna is badeli karaa daqiiqad kasta.

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kacay waxuuna gaaray $$102,691, hoos u dhac ah 1.29% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu hoos u dhacay 2.06% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,569.5.

XRP: Waxaa hoos u dhacay qiimahiisa qiyaastii 5.33%Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.48.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira hoos u dhac ah 5.01% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $171.34.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa

Ripple waxay la yeelatay wada-hadallo maamulka Imaaraadka Carabta (UAE) si ay u sahamiyaan kaabayaasha lacag-bixinta dhijitaalka ah iyo kor u qaadista hal-abuurnimada maaliyadeed.

Waxaa kale oo ay bartooda X ku qoreen “Madaxweynaheenna Monica Long waxay nasiib u yeelatay inay kula kulanto Amiir Ahmed bin Saeed shirkii DubaiFintechSum. Wali waxaan ku qanacsanahay hoggaanka ay Dubai muujinayso iyada oo isu diyaarineysa inay noqoto mid ka mid ah xarumaha ugu horreeya ee hantida dhijitaalka ah ee caalamka.”

Ukrain ayaa isku diyaarinaysa in ay abuurto kayd qaran oo Bitcoin ah, iyadoo xildhibaan Yaroslav Zheleznyak uu sheegay in sharciga qabyada ah ay shaqo ku socoto, islamarkaana la qorsheynayo in la gudbiyo dhowaan.

Xisbiga Dimuqraadiga ee Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa dalbaday in Wasaaradda Maaliyadda ay soo saarto warbixinno ku saabsan ganacsiyada crypto ee Trump, iyagoo muujinaya walaac la xidhiidha suurtagalnimada in si khaldan loo adeegsado lacag ururinta siyaasadeed iyo raadinta saameynta shisheeyaha.

Sharciga Nebraska ee lagu maamulayo qodayaasha Bitcoin, LB 526, ayaa si rasmi ah loo ansixiyay kadib akhriskii ugu dambeysay ee uu maray.

Madaxa guud ee Coinbase, Brian Armstrong, ayaa Washington DC ku sugan isaga oo la shaqeynaya siyaasiyiin si loo ansixiyo sharciyo la xiriira crypto.

  1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashadeyaasha

Dadka Bitcoin-ta muddo dheer haystay ayaa ku daray 630,000 BTC akoonnadooda tan iyo bishii March, iyagoo ka korodhsaday 13.66 milyan ilaa 14.29 milyan oo BTC ah.

Tether ayaa mar kale daabacday $1 bilyan oo USDT ah oo ku saleysan trondao, taasoo wadarta guud ee la daabacay sanadka 2025 ka dhigaysa $15 bilyan.

7,999 BTC oo u dhiganta $818 milyan ayaa laga wareejiyay Coinbase loona diray wallet cusub oo la hadda la sameeyay.

  1. 🚀 Mashruucyada Horumarinta ku socdo ee Crypto

Coinbase waxay sheegtay in dambiileyaal ay laaluusheen shaqaalaha Coinbase si ay u helaan xogta macaamiisha, taasoo loo adeegsaday weerarro xeeladaysan oo lala beegsaday macaamiisha.

Waxay hadalkooda raaciyeen “Coinbase ma bixin doonto madaxfurashada $20 milyan ah ee la dalbaday, balse waxay bixineysaa abaalmarin $20 milyan ah cid kasta oo keenta xog horseedi karta in la qabto weeraryahanada”.

Shirkadda Abraaj waxay noqotay shirkaddii ugu horreysay ee dadweynuhu leeyihiin ee Bariga Dhexe ka howlgasha oo qaadata istiraatiijiyad kayd lacageed oo ku saleysan Bitcoin.

Madaxa Maalgashiga ee Bitwise ayaa yidhi, “Saadaasheenna waa in Bitcoin ay dhaafi doonto $200,000 dhammaadka sannadkan.”

  1. 📊 ETFs iyo Maalgashi Hay’ado Suuqa saameeyo

Ku dhowaad 3,070 BTC iyo 23,710 ETH ayaa la iibsaday 14-ka May.

ETF-yada BTC waxay heleen $319.5 milyan oo ah maalgashi cusub.

ETF-yada ETH waxay heleen $63.5 milyan oo ah maalgashi cusub.

Spot Bitcoin ETF-yada BlackRock waxay iibsadeen 2,240 BTC iyo 21,500 ETH 14-ka May.

  1. 🔗Teknooloojiyadda Blockchain

Mastercard waxay la kaashatay MoonPay si ay u bilaabaan kaarar caalami ah oo stablecoin ku shaqeeya, taasoo sahlaysa in lagu bixiyo lacagaha crypto in ka badan 150 milyan oo ganacsiyo ah dunida oo dhan.

  1. 🤖 Intelligence-AI

Tether ayaa soo bandhigtay QVAC, oo ah madal cusub oo horumarinta AI-ga ka shaqayn doonta isla markaana loogu talagalay barnaamijyo diiradda saaraya amniga, kuwaas oo ku shaqeeya aaladaha maxalliga ah iyada oo aan lagu tiirsaneyn adeegyo shirkado kale gacanta ku hayaan.

  1. 🌐 Web3

CoinW ayaa ku soo bandhigtay sida ay Dubai u noqotay xaruun caalami ah oo Web3-ga ku habboon shirkii Token2049, iyagoo qabtay madal-doodo ku saabsan xeerarka, hal-abuurnimada, iyo joogitaan xooggan ee gobolkan uu ku leeyahay crypto, taasoo muujineysa sida bariga dhexe iyo waqooyiga afrika (MENA) ay u qaabaynayaan mustaqbalka crypto.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment