Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.
1. š xaalada guud ee Suuqa
Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.29 Tirilyan, waxuuna kor u kacay 1.06%.
Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (48), Tani waxay tilmaamaysaa inay jiro cabsi laga qabo suuqyada crypto sababaha dagaallada socda oo suuqa jaahwareer ku riday awgeed..
In ka badan $130.92 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $73.41 million ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (short positions).

Xigasho:- Coinglass
Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa kor u kac ay waxuuna gaaray $106,059, kor u kac ah 1.18% ayay sameysay maanta.
Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 0.69% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $2,551.5.
XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 1.00% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.17.
Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 2.15% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $148.29
- š Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuqa
Bangiga Dhexe ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay inuusan diiddanayn stablecoin ku xiran lacagta won-ka, balse wuxuu ka digay in ay keeni karto dhibaatooyin xagga maaraynta sarrifka lacagaha qalaad iyo in ay kordhin karto baahida loo qabo tokens-ka ku xiran doolarka.
TikTok ayaa beenisay in ay iibsadeen $300M oo coin-ka TRUMP ah kadib markii Xildhibaan Brad Sherman uu ku eedeeyay Trump inuu laaluush qaatay iyadoo TikTok ku tilmaantay eedeymahaas ākuwo been cad ahā iyo āmasāuuliyad darro.ā
Sharciga Arizona ee Bitcoin Reserve HB 2324 ayaa dib loo soo celiyay kadib codsi dib-u-eegis ah, wuxuuna ku ansaxay Senate-ka cod 16–14 ah, kadibna loo gudbiyay Golaha Wakiillada.
Sharcigani wuxuu u oggolaanayaa gobolka inuu abuuro kayd hantida dhijitaalka ah isagoo adeegsanaya hantida dhijitaalka ah ee laga qabtay dambiilayaasha.
Australia weli waxay u aqoonsan tahay crypto inuu yahay hanti, iyadoo canshuur laga qaado faaāiidooyinka laga helo is-weydaarsiga tokens-ka iyo wrapped tokens-ka.
Si kastaba ha ahaatee, goāaan maxkamadeed oo bishii May 2025 dhacay ayaa suurtagal ka dhigi kara in Bitcoin loo aqoonsado ālacag rasmi ah oo Australiyaan ah,ā taasoo laga yaabo inay ka dhaafto canshuurta faaāiidooyinka raasumaalka.
Guddiga Adeegyada Maaliyadeed ee Kuuriyada Koonfureed (FSC) ayaa gudbiyay qorshe howleed lagu ansixinayo spot crypto ETFs qeybta dambe ee sannadkan 2025.
Xoghayaha Maaliyadda ee Hong Kong, Paul Chan, ayaa xaqiijiyay in Xeerka Stablecoin uu dhaqan gali doono laga bilaabo August, taasoo soo jiidanaysa hayāadaha caalamiga ah inay ku soo saaraan stablecoins gudaha Hong Kong.
GENSLER: Guddoomiyihii hore ee SEC ayaa yidhi, āBitcoin way sii jiri kartaa muddo dheer, balse inta badan cryptada kale ma sii jiri doonaan.ā
- š Exchange Inflow & Outflow
24-kii saac ee u dambeeyay waxaaĀ Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhanĀ 7651.7Ā BTC oo u dhiganta qiime ahaan $811.5Ā million, waxaana ka baxayĀ 8689.2Ā BTC oo u dhiganta $921.5Ā million, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin-ta lala baxayo inkasta oo hadda kor u kac fiican ka muuqdo.
- š Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha
Shirkadda K33 ee fadhiisinkeedu yahay Norway ayaa heshay SEK 185 milyan si ay ugu iibsato Bitcoin dheeri ah oo loogu talagalay khasnaddeeda maaliyadeed.
CardoneCapital ayaa ku samaysay maalgelin cusub oo ah 150 BTC oo ay ku dartay miisaaniyaddeeda bisha June.
- š Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda
Shirkadda Visa ayaa ku ballaadhinaysa hawlaheeda stablecoin-ka guud ahaan Yurub, Bariga Dhexe, iyo Afrika, iyadoo iskaashi la samaynaysa shirkadda crypto ee Afrikaanka ah ee Yellow Card.
Intii lagu jiray 15-kii sano ee la soo dhaafay, deynta Mareykanka ayaa kor uga kacday min $13T ilaa $37T, halka Bitcoin ay ka kacday wax ka yar $1 ilaa gaadhayna $100K.
Senator Cynthia Lummis ayaa sheegtay in kaydsashada Bitcoin ay tahay xalka kaliya ee deynta qaranka Mareykanka.
Aasaasaha TRON, Justin Sun, ayaa la kulmay agaasimaha hawl Fulinta ee Hantida dhijitaalka ah, Bo Hines, si ay uga wada hadlaan doorka TRON iyo blockchain-ka ee horumarinta hogaaminta crypto ee Mareykanka.
Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee El Salvador ayaa hadda leh labo kiosk oo rakaabku si degdeg ah ugu beddeli karaan Bitcoin-ta doollar Mareykan ah iyaga oo adeegsanaya koodh QR ah.
- š Maalgashiga ETF-yada iyo Hayāadaha Suuqa crypto.
BlackRock ayaa iibsatay in ka badan $750 milyan oo ETH ah bishii June, mana iibin hal token.
ETF-ka Bitcoin ee BlackRock ayaa hadda haysata 3.25% guud ahaan tirada BTC, iyadoo hantida ay maamusho (AUM) gaadhay $69.7 bilyan.
- š¤ Intelligence-AI
OpenAI ayaa ka saareysa Scale AI liiska shirkadaha u sameeya calaamadaynta xogta, maalmo un kadib markii Meta ay ku iibsatay shirkaddaas $14.8 bilyan.
Pavel Durov ayaa shaaciyay in walaalkiis Nikolai uu horumarinayo AI cusub oo awood u leh inuu si habsami leh u fikiro isla markaana fahmo adduunka.
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo